Tuesday, January 22, 2008

Hantidhowraha qaranka iyo guddiga miisaaniyadda maxaa kala haysta

(Waridaad) - Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi ayaa daboolka ka qaaday inaan la garanayn Miisaaniyad Sanadeedyada 2006 iyo tii 2007 ta uu qaranku is-ticmaalayo, isla markaana Golaha Wakiillada aan la horkeenin Xisaab xidhadoodii oo ay sidii u sugayaan.

“Ma hayno Xisaab xidhkii 2006 oo na looma keenin,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Md. Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi.“Miisaaniyada 2007-da sida ay ku socoto wax-ba lagama oga oo waatii uu Madaxweynuhu yidhi tii uu Golaha Wakiilladu an-sixiyey badhna waanu qaadanay badhna waanu diidnay oo waxaanu kaga dhaqmaynaa tii hore ee Sanadka Xisaab xidhkiisu maqan yahay”

Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Md. Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi waxa uu sheegay inaanay Golaha Wakiilladu Ilaa iyo Wakhtigan Hanti-dhawraha guud ee Qaranka ka hayn Xisaab Xidhkii 2006-da, taas oo sida uu tilmaamay ay ahayd inuu keeno bishii 6aad Sanadkii hore, hasayeeshee ilaa imika aanu waxba ku soo celin Golaha Wakiillada oo ay sidii u sugayaan.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud oo ka hadlayey sababta ay wax-yaabahani u dhacayaan waxa uu farta ku fiiqay inay tahay Sharcigii oo la iska indha-tirayo oo uu dalkuna haataan, dhinaca Xisaabaadka iyo Maamulka Maaliyada ka joogo heerkii bi’daa’iga oo aanay dunida jirin dal sidaa ugu dhaqmaa.

“Dalkan [Somaliland] mooyaane dunida laguma arrkin, dal aan la garanayn Miisaaniyad Sanadeedka uu Is-ticmaalayo”ayuu yidhi Maxamed Xaaji Maxamuud. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Markaa Xisaab xidhka 2007-da maba Sugeyno oo la garanmaayo Miisaaniyada la is-ticmaalayaa ta ay tahay”

Xildhibaanku waxa uu si cad daaha uga feyday Cida ay Sharciyan Masuuliyadiisa tahay inuu ummada iyo Golaha Wakiillada horkeeno Xisaab xidhka Qaranka si uu Shacbigu u ogaado Cashuurtii laga qaaday Sida loo maamulay.

“Xisaab xidhka waxaanu ka sugeynaa oo ay Masuuliyadiisa tahay hanti-dhowraha guud ee Qaranka, waxna lagamahayo”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Maxamed Xaaji Maxamuud.

Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi isaga oo ka jawaabayey waxa uga qorsheysan waxa uu yidhi “Waxa noo qorsheysan inaanu ummadda u soo bandhigno xaqiiqada jirta oo aanu fahamsiino sida ay tahay Xaalada dhabta ee Xisaab xidhadaas iyo ta Miisaaniyaduba”

Waridaad media centre

No comments: