Tuesday, January 22, 2008

Manhajka Waxbarasho ee Fasalka 8aad oo Laga Saaray Taariikhda Halgankii SNM!

(Waridaad) - Manhajka cusub ee waxbarashada Somaliland ee fasallada siddeedaad ayaa laga saaray dhammaanba cutubyadii ka hadlayey aasaaskii ururka xoreynta SNM, halgankii qadhaadhaa ee loo soo maray xorriyadda aynu hadhsanayno iyo ku dhawaaqistii madaxbannaanida Somaliland.

Buuggan cusub ee lagu beddelay buuggii hore ee taariikhda fasallada 8aad oo la soo daabacay sannadkii 2005-ta, isla markaaa ardayda loo qaybiyey sannad-dugsiyeedkii 2007-2008 ee iminka lagu gudo jiro, waxa daabacaaaddiisa iska kaashaday Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Hay’adda Waxbarashada Dhaqanka iyo Sayniska ee UNESCO, waxaana ku saxeexan Wasiirka Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ilaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee kalliftay in laga tirtiro manhajka fasalka siddeedaad oo ah taariikh mudan, xusuus waajibna ay tahay inay ku xardhanaato quluubta da’yarta si ay ugu fara adaygaan xorriyaddan Somaliland ee boqollaal kun oo geesi naftoodii qaaliga ahayd ku waayeen, kumanaan kalena ku laxaad waayeen, kumanaan kalena u agoomoobeen, isla markaana ay ku baaba’day hantidii muddada badan shacbiga Somaliland tabcanayey.

Buugga taariikhda ee fasalka 8-aad manhajkii hore ee 1998-kii oo ka koobnaa 11 cutub ayaa 5-ta cutub ee u dambeeyaa si weyn uga baranayeen ardaydu taariikhda Somaliland oo ku jirtay halgankii dheeraa ururkii SNM, cutubka 7-aad oo laga baranayey dhibaatooyinka Somaliland ka soo gaadhay dawladihii Af-wayne ka horreeyey, cutubka 8-aad dhibaatooyinkii taliskii Af-wayne, 9-aad aasaaskii ururkii SNM, 10-aad xorrayntii Somaliland, 11-aad shirweynihii Burco iyo ku dhawaaqistii Somaliland.

Buugga manhajka dambe ee loogu magac daray cilmiga bulshada ee loogu talogalay ardayda fasalka 8-aad ee manhajkan dambe ee 2005-ta ayaa gebi ahaanba laga saaray cutubyadii ka hadlayey sooyaalkii taariikheed ee Somaliland, isla markaana aan meelna laga xusin marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland.

Haddaba, arrinta oo ah mid xasaasi ah si aannu wax uga ogaano xaqiiqda ka dambaysa, ayaa wariyeyaal ka tirsan Jamhuuriya ay isku dayeen maalintii Khamiistii toddobaadkii hore inay wax ka waydiiyaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Md. Xasan Xaaji Maxamuud Wasame (Xasan-gadhweyne), si aannu wax uga waydiino sababta keentay in buugga taariikhda fasalka 8-aad laga reebo cutubyadkii ka hadlayey taariikhdii halgankii SNM, waxa uu ka cudur-daartay in aannu waqti haynin, waxaannu nagu ballamiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Cali Cabdi Odowaa, in aannu wax ka weydiino, kaas oo weriyeyaasha la ballamay Sabtidii dorraad, kadib oo markii wariyeyaal ka socday Jamhuuriya u tageen, arrinta ay u soo bandhigeena waxa uu Jamhuuriya u sheegay Agaasimaha Guud in aannu arrintan ka warhayn, haddan aannu ka bixinayn wax war ah, balse ay wasaraddu baadhi doonto.

“Kama warhayo arrintan, wax jawaab ahna kama bixin karo, waxaannuse wasaarad ahaan ku samaynaynaa baadhitaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud Md. Cali Cabdi Odowaa.
Haddii aanay wasaaraddu waxbarashadu sixid iyo cudurdaar degdeg ah ka bixin waxa ay dhacdadan foosha xumi bar madow iyo fadeexad aan la mahadin ku noqon doontaa daariikhda dalka iyo xukuumadda talada haysaba.

Kuji cambaarayntan hoos ku taal:

Muj.Xasan Ciise oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

Waridaad media centre

No comments: