Friday, January 18, 2008

Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

(Waridaad) - Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Innagoo aan weli ka kicin tacsidii almarxuum Mohamed Yussuf Cabdi ayaa Waxa saacado ka hor ku geeriyooday magaalo madaxda waddanka Norway ee Oslo Almarxuum Abwaan Hassan Shiekh Muumin oo in mudda ahba la tacaalayay xanuun.Waxa saacado ka hor ku geeriyooday magaalo madaxada waddanka Norway ee Oslo Almarxuum Abwaan Hassan Shiekh Muumin oo in mudda ahba la tacaalayay xanuun.

Anigoo ah Ali Mohamoud Noor Ali-Eid iyo xaaskayga Nora M. Hassan, waxa aannu tacsidan u diraynaa intii Marxuumku dhalay iyo intay sii dhaleen, qoyskii iyo qaraabadii, ehelkii iyo asxaabtii iyo dhammaan bulshaweynta reer Somaliland annagoo idin leh Ilaahay Samir iyo iimaanha idinka siiyo, Marxuum xassan-na Eebbahay jannadii ha ka waraabiyo.
Innagoo aan weli ka kacin tacsidii almarxuum Mohamed Yussuf ayuu qaddarka aan nina dhaafaynine maantana uu haleelay halyay kale oo ummaddeenna ka baxay.Marxuum Hassan Sh. Mumin oo aanay da`adiisu yarayn, ayaa haddanasannadihii u dambeeyay aad u jilicsanaa, Marxuumka oo suugaantii dhaxal galka ahayd ee uu innoga tegay aynaan weligwwn dhammayn doonin, waxa xusid mudan riwaayaddii Shabeel Naagood oo lagu tilmaamo inay " Science " ahayd.
Dhawr cisho ka hor ayuun bay ahayd markii proffessor Ingriis ah oo luqad yahan ahi uu Emperial Hotel oo Hargeisa ku yaal ku qabtay bandhig faneed uu ka soo diyaariyay suugaanta Somalida min bilowgeedii ilaa xilligan, isagoo ka sheekeeyay gabaygii Raage Ugaas ee Allay Dumay ayuu uga gudbay murtiyo naxwe badan oo uu lahaa Almarxuum Hassan shiekh Muumin.
Innaa Lillahi Wa Innaa Ileyhi raajicuun
Ali Mohamoud Noor Ali Eid
Oslo, Norway

No comments: