Sunday, January 27, 2008

Madaxweyne Riyaale oo ka baaqday ka qaybgalka Aaskii Qaran ee Marxuum Xasan Sh. Muumin iyo dareenka dadka reer Boorame

(Waridaad) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin oo la filayey inuu ka qaybgalo aaskii qaran ee maanta magaalada Boorame loogu sameeyey Abwaankii weynaa ee reer Somaliland, marxuum Xasan Sh. Muumin ayaa ka baaqsaday. Waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Madaxweyne Riyaale ayaa la filayey inuu saaka subaxnimadii hore u ambabaxo magaalada Boorame si uu uga qaybqaato Aaska, iyada oo xalay goor dambe laga ogaadey dhinaca Madaxtooyada in Madaxweynuhu ka qaybgelayo aaska, iyada oo magaalada Booramena si weyn looga sugayey Madaxweyne Riyaale.

Lama garanayo sababaha baajiyey Madaxweynaha. Warar aan salkooda la hubin oo maanta la isla dhexmarayey ayaa sheegay in laga warhelay muddaharaad lagaga soo horjeedo Madaxweynaha oo laga baqay inuu halkaas ka dhaco, taasina ay tahay sababta Madaxweynuhu u baaqday. Warar kalena waxay sheegayaan in Madaxweynuhu u baajiyey socdaalkiisa Boorame markii la ogaadey weftiga dowladda Jabuuti ee Maydka Marxuumka ka soo qaaday Jabuuti, isla markaana uu baajiyey ka qaybgalka Aaska, isaga oo ka weji dadbaya wasiirrada Jabuuti, maadaama

xidhiidhka xukuumaddiisu la wadaagto Jabuuti uu aad u xun yahay sannadahan dambe.
Weriye Haashim Sh. Cumar Good oo Radio Horyaal weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in Madaxweyne Riyaale ka baqay in lagaga mudaharaado Boorame, ayaa sheegay in aanu maqal wax muddaharaad ah oo ku lid ah Madaxweynaha, balse, waxa uu xusay in habeenkii xalay uu dil ka dhacay Magaalada Boorame, kaas oo waxoogaa xiisad ahi ka dhalatay.

Sida uu weriye Haashim sheegay waxa xalay magaalada Boorame lagu diley nin ka tirsanaa culimada Wanaag-farista iyo Xumaan reebista oo ka wadey magaalada hawlgal ay kula tacaalayaan dhaqan-xumada.

Ma cadda in xiisaddaasi baajisay Madaxweyne Riyaale. Hase yeeshee, weriyuhu waxa uu sheegay in dadweynaha magaalada Boorame ay sugayeen Madaxweynaha ilaa diyaaraddii Maydka Marxuumka siddey ay soo fadhiisatay Madaarka, markaas oo ay ku qanceen in Madaxweynuhu aanu imanayn. Waxana uu sheegay in dadweynaha reer Boorame ay la yaab ku noqotay in Madaxweynuhu uu ka baaqday ka qaybgalka aaska qaran ee Abwaanka, marka loo eego Mucaaridka oo si weyn uga soo qaybgalay, gaar ahaan Xisbiga KULMIYE oo
Guddoomiyaha Xisbiga iyo xubno door ah oo siyaasiyiin ahi ay ka qaybgaleen Aaska.

C/risaaq M. Dubbad,


E-mail: dubad@somaliland.com

No comments: