Saturday, January 26, 2008

MARXUUN ABWAAN XASAN SHEEKH MUUMIN OO MAANTA LAGU AASAYO BOORAME

(Waridaad) - Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo,ayaa u baxay Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorame, si ay uga qayb-galaan aaska Marxuun Abwaan Xasan Sheekh Muumin oo badhtamihii wiigii hore ku geeriyooday Qurbaha.

Weftigan Guddoomiyaha Kulmiye hogaaminaayo waxa ka mid ah Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Md. C/raxmaan Aw Cali Faarax, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo C/kariin Mohamed Ahmed.

Marxuunka oo la keenay Magaalada Boorame, ayaa maanta oo sabti ah lagu aasi doonaa Magaalada Boorame, waxaa aaskaas ka soo qayb-galay mas’uuliyiin ka socota Xukuumadda, Goleyaasha Barlamanka, Xisbiyada Qaranka iyo Abwaano caan ah oo ay suugaan wadaag ahaayeen Marxuun Abwaanka Xasan Sheekh Muumin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Abwaan Hadraawi iyo Abwaan gaariye.

Mohamoud Mohamed Hashi
mxaashi@somalilandfuture.com

No comments: