Thursday, January 17, 2008

Madaxweyne Riyaale oo Kulan Laqaatay Masuuliyiin Sar-Sare oo Ka Tirsan Dawlada Maraykanka

(Waridaad) - Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa qado loogu sameeyay Xarunta Wasaradda Arrimaha Debedda (State Department-ka). Qadadaasi waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa u fidiyey kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debdda Dr. Jendayi Frazer, waxa kaaliyaha ku weheliyey ku-xigeenka kaaliyaha Xafiiska Arrimaha Debedda, Agaasimaha Bariga Africa ee Arrimaha Debedda, Madaxa Xafiiska Arrimaha Somaliland iyo Somalia iyo Madax kala oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Debedda.

Isla maanta waxa uu Madaxweynaha iyo weftigiisu la kulmay,Madaxa la dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah iyo Madax Sar Sare oo ka tirsan Xafiiskiisa.

Sidoo kale waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa u bilaabantay shalay oo ay bishu ahayd 14/10/08 kullamadii rasmiga ahaa, taas oo u wada hadal rasmi ah kula yeesheen kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debedda Dr. Jendayi Frazer iyo dhammaan hawlwadeenada xafiiskooda, waxa kaloo uu isla shalay Madaxweynuhu la kulmay kaaliyaha Xog-hayaha Gaashaandhiga ee Arrimaha Africa, Ms. Theresa M. Whalan oo uu kula kulmay Xarunta Petagon-ka. Waxa kaloo weftiga Madaxweynuhu la kulmay USAID oo Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Maraykanka. Waxa kaloo Madaxweynaha ku soo booqday Huteelka uu deggan yahay, La taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Africa, Mr. Bobby J. Pittman.
Kullamadaasi dhammaantood waxay ku dhammaadeen jawi is-afgarad Buuxa, weftiguna waxa uu kala soo noqday jawi ididiilo.

Isla Habeenimadii Xalay, weftiga Madaxweynuhu, wuxuu ka qayb Xaflad ballaadhan oo jaaliyadda Somaliland u qabatay Madaxweynaha, taasi oo Madaxweynuhu uga waramay Jaaliyadda Somaliland ee Maraykan xaaladda Dalku marayo, wixii qabsoomay iyo waxa aynu rajeynayno inay dhawwaan inoo qabsoomaan, hadalkaa Madaxweynaha kadib, Jaaliyaddu waxay halkaasi Madaxweynaha ku weydiiyeen su’aalo farabadan oo dhammaantood Madaxweynuhu uga jawaabay si waafiya.

Kullamadaasi oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen, Wasiirka Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Caafimaadka, Mudane, Cabdi Haybe Maxamed , Wasiirka Caddaaladda, Mudane, Axmed Cali Xassan, Wasiir ku Xiggeenka Qorsheynta, Mudane, Axmed Xaashi Cabdi iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane, Axmed Maxmed Ciise.

Allaa Mahad Leh

Amb. Sacad Sheekh Cismaan Noor

Wakiilka Somaliand ee Maraykanka.

No comments: