Tuesday, January 22, 2008

Roobab Khasaare Naf iyo Maalbaleh Gaystay Oo ka da`ay Dagmada Baki

(Waridaad) - Sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Baki waxa inta la hubo ku geeriyooday hal qof boqolaal qoysna way ku barakaceen ka dib markii ay ka dabargooyeen roobabkan barafka wata wixii xoolo ahaa ee ay haysteen, dadka intiisa kalena waxa ay iyagii oo yaaban dul-joogaan intii yarayd ee uga hadhay xoolohoodii.

Roobabkan barafka wata oo loo malaynayo inay qayb ka yihiin roob ka xayska loo yaqaan ayaa degmada Baki oo ay si is daba joog ah uga da,ayeen dhawrkii maalmood ee u dambeeyay waxa ay gaysteen khasaare aan hore u soo marin deegaankaas, waxa marba marka ka dambaysa isa soo taraya wararka dhiilada leh ee deegaankaas ka imanaya iyada oo haatan la sheegayo in xoolaha ku qudh baxay ay tiradoodu gaadhay 40.000[afartan kun] oo neef, iyada dhimashada banii aadmigana la xaqiijiyay hal qof inkasta wararka madaxa baaani ay sheegayaan in tirada dhimashada dadku intaas ka badan tahay oo ilaa afar qof oo kalena la hadal hayo.

Waxa degaankaas u baxay gurmadkii u horeeyay ee maamulka gobolka oo halkaa u tagay si ay u soo xaqiijiyaan dhibaatadu baaxada ay leedahay horena maamulka degmadu waxa ay u codsadeen gurmad deg deg ah oo dadkaas lala soo gaadho.


Cabdiraxmaan Maxamad Habane

Borama News network

No comments: