Tuesday, January 01, 2008

Taliyaha Sirdoonka Qaranka Oo Is Casilay Iyo Madaxweyne Rayaale Oo Ka Diiday

(Waridaad) - Taliyaha hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Somaliland Md. Xuseen Xasan Guuleed (Xuseen Kenyati), ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayay. Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay ilo xogogaala.

Sida ay ilahaasi tibaaxeen Md. Xuseen-Kenyati, waxa uu is casilaad qoraal ah Madaxweynaha u gudbiyay Axadii doraad. Hase yeeshe warku waxa uu sheegay in Madaxweyne Rayaale taliyaha ka diiday istiqaaladaas, islamarkaana uu siiyay fasax bil ah oo la sheegay in nuxurkiisu yahay inuu muddadaas bisha ah ka soo fikiro inuu ka noqon karo iyo in kale is casilaadiisa, waxaana la sheegay inuu xilkii taliyaha hay’addaas shalay ku wareejiyay ku xigeenkiisa Md. Maxamed Nuur.Maxaa Sababay?

Inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay isqtiqaaladda kediska ah ee Xuseen-Kenyati, haddana waxa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya is casilaadiisa. Wararka qaar waxay sheegayaan in taliyuhu saluugay miisaaniyadda Wasaaradda maaliyadu u qoondaysay hay’adiisa. Warar kalena waxa ay sheegayaan inuu jiro is faham waa’ soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Rayaale kaa oo aan la ogayn arrimaha uu salka ku hayo.

Xuseen Xasan Guuleed, oo xilkan hayay muddo dhawr sanno ah, waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka ay Madaxweyne Rayaale aadka isugu dhow yihiin, waxaana lagu tilmaami jiray inuu yahay nin aqoon u leh shaqadiisa hawl weyna qaranka u qabtay mudadii uu xilka hayay.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

No comments: