Sunday, February 03, 2008

Madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo balan qaaday inuu samayn doono ciidanka cirka.

(Waridaad) - Madaxwaynaha maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa ku dhawaaqay inay dhisi doonaan ciidanka cirka ee maamulka Somaliland kaas oo wax badan ka qaban doona xaalada dalka iyo ilaalinta dhamaanba dhulka Somaliland.
Daahir Riyaale Kaahin oo ka hadlayay mar uu tagay taliska Guud ee ciidanka maamulka Somaliland laguna qabtay xaflad balaadhan oo lagu xusayo maalinta ciidanka Somaliland la aasaasay oo ku began 02/02/1994 kadib markii la dhisay maamulka Somaliland sanad ka hor.

Madaxwaynaha maamulka Somaliland ayaa si wayn uga booriyay ciidanka qalabka sida ee Somaliland kuna tilmaamay inay si wayn ugutaan waajibaadkooda ayna kasoo baxeen sababihii loo aasaay oo ahayd inay ilaaliyaan maamulka Somaliland oo la aasaaya 1993 ciidankana sanad kadib si uu usugo amnigiisa.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin fara badan oo ka tirsan dahamaanba hay’adaha kala gedisan ee Somaliland kuwaas oo goobtaasi kasoo jeediyay hadalo ay ku bogaadinayaan maalinta ciidanka Somaliland la aasaasay waxaana sidoo kale ka hadalay Taliyaha ciidama Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo hanbalyo udiray ciidanka.

Xafladan ay ka qayb galeen masuuliyiinta maamulka Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa ah xaflad sanad walba mar la qabto taas oo lagu xusayo ciidanka Somaliland waxaana madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin uu goobtaasi xadhiga ka jaray miiska saraakiisha ciidanka Somaliland oo dibudhis lagu sameeyay waxaana uu sidoo kale ku dhawaaqay in la dhiso guriga State House-ka oo ay dad shacab ahi ku jiraan kaas oo ku amray in laga saaro dibu habayna lagu sameeyo si uu unoqdo madaxtooya maamulka Somaliland.
Waridaad media centre

No comments: