Monday, March 31, 2008

Hamblayo iyo boogaadin naga guddooma

(Waridaad) - Allaylahe kar baa dhacay. Waa nimco rabbi haddii la soo afjaray shirwaynahii Kulmiye, kuna dhamaaday guul iyo siddii la saadaalinaayey.

Waxaanu haddaba, anagoo ah qurbe-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan cariga Kanada, khaasatan Ottawa, u hambalyeynaynaa hogaanka cusub ee maanta la doortay, eebana uga baryeynaa inuu u sahlo xilkaa culus ee loo igmaday, leenahayna noqdo kuwii lagu nasto ee lagu nagaado.

Haddaba iyaddoon la koobi karin farxadda iyo rayraynta ka muuqata reer Ottawa, sidda habsamida leh ee miisaanku ku dheehanyahay ee loo soo gabagabeeyey shirwaynihii labaad ee Kulmiye ayaanu halkan uga soo gudbinaynaa hambalyo iyo bogaadin fara badan xubnaha cusub ee loo doortay hogaanka sare ee Kulmiye oo kala ah:

Xaji: Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) iyo ku-xigeenadiisa cusub 1aad Muj. Musa Biixi Cabdi, 2aad mudane Cabdiraxmaan Cabdulqadir, 3aad mudane Cabdiraman Maxamed Talyanle, iyo 4aad inj. Cabdiraxman Cabdullaahi Ismaciil (Seylici), hambalyo xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Mudane Keyse Xasan Cige, iyo buugaadin 170 ka xubnood ee loo doortay golaha dhex ee xisbiga Badbaadinta rajada midnimada barwaaqo u sahaminta Somaliland.

Waridaad media centre
Ahmed Quick

Ottawa - Canada

No comments: