Monday, March 31, 2008

Hogaankii Xisbiga Kulmiye Oo La Doortay Iyo Ansixinta Darstuurka Iyo Barnaamijka Xisbiga

(Waridaad) - Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Kulmiye oo galay maalintiisii 3-aad ayaa lagu doortay hogaanka cusub ee Xisbiga hogaamin doono Shanta Sano ee soo socootga.
Gudoomiyaha: Waxa isu soo taagay Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo keliya waxaana uu kasbaday, isla-markaana gacanta u taagay ergay dhan 497 ka mid ahaa 503 ergay oo madasha shirka ka soo xaadiray.

Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad:Gudoomiye ku-xigeenka 1- waxa hantay Muuse Biixi Cabdi oo helay 330 ergay codkood, halka Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhego-wayne oo jagadaas kula loolamayay ka helay 182 cod.

Gudoomiye ku-xigeenka 2aad:Gudoomiye ku-xigeenka 2-aadS ee Xisbiga waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo helay codka ergay gaadhaysa 455 cod, halka Cali Cabdi Cilmo oo jagadaas kula loolamayay uu ka helaly Todoba Cod.

Gudoomiye ku-xigeenka 3aad:Gudoomiye ku-xigeenka Saddexaad waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan maxamed Talyanle oo helay codka ergay gaadhaysa 451 cod, yuusuf Bashiir oo jagadaas kula tartamayay ayaa isna helay 20 cod.
Gudoomiye ku-xigeenka 4aad:Gudoomiye ku-xigeenka Afraad waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ka dib markii uu helay codka ergay gaadhaysa 480 cod, halka Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo jagadaas kula tartamayay uu ka helay 34 cod.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga:Xoghayaha Guud ee Xisbiga isaga waxa ku tartamayay Lambarkii ugu badnaa tartamayaasha oo ahaa Saddex xubnood, kuwaasoo kala ahaa Keyse Xasan Cige, Sahra Maxamuud Xuseen iyo Cumar Maxamed Xasan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga:Waxa xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ku guulaystay Kayse Xasan Cige. 277, Waxaana aad ugu dhawaaday Sahra Maxamuud Xuseen oo heshay 236 cod, Cumar Maxamed Xasan-na waxa uu helay Hal cod oo keliya.

Dhinaca kale waxa isla shirweynaha waxa madasha si aqlabiyad ah loogu ansixiyay barnaamijka iyo distoorka Xisbiga, inkasta oo wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah qodobada dastuurka sida:- Golaha Dhexe oo ka koobnaa 133 oo lagu dhigay 170 xubnood. Waxaana shirweynuhu awood u siiyay Golaha dhexe inuu wax ka bedel ku samayn karo barnaamijka iyo distoorka Xisbiga.

Wixii ka soo kordha shirka iyo sawirada musharxiinta hogaanka xisbigaba la soco waxyar ka dib.

Liibaan Maaweel Shire

Xigasho: Somaliland.org

E-Mail libmaw@hotmail.com

No comments: