Monday, March 31, 2008

RIYAALE WAXAY MUDDADU KAGA EGAHAY MAY 15MAY DISTOORKUNA KORDHIN UMA OGOLA

(Waridaad) - Shantii sannadood ee Distoorku siiyay Daahir Riyaale Kaahin inuu ahaado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku egyihiin 15-ka bisha May ee foodda inagu soo haya, iyada oo markii jagada Madaxweyne-nimada loo dhaariyay ahayd 16 May 2003.

Inkastoo Madaxweyne Riyaale uu quudaraynayo in muddada loo kordhiyo, haddana distoorku uma ogolaanayo in xataa qaddar daqiiqado ah loo kordhiyo mar haddii aanay dalka ka jirin wax nabadgelyo-darro ah oo kelifaya in doorashada Madaxweynuhu ay qabsoomi waydo. Ma jiro qodob aan ahayn kan khuseeya haddii ay nabadgelyo la’aani dalka ku habsato oo loo cuskan karo in doorashada dib loogu dhigo oo waxoogaa wakhti ah Madaxweynaha loogu daro muddadii ay dadku u doorteen inuu xilka u hayo. Sidaas darteed Mr. Riyale, madaxda axsaabta Mucaaridka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku yaanay shacbiga ula imanin wax aan ka qaban sida muddada oo ay Madaxweynaha isaga kordhiyaan, taas oo noqon doonta distoor-jebin ay dhinacyadaasi ku shuraakoobeen dambigeeda.....Kuji halkan

No comments: