Saturday, March 22, 2008

Jama M. Aden (Karaaciin): Tababaraha Caanka iyo Guulihiisi Ugu Dambeeyey.

(Waridaad) - Wuxuu Jama tababaray kooxo ka soo jeeda waddama Saudi Arabia, UAE, Qatar, Suuriya, Kenya, Morocco, Spain, Ethiopia, Bahrain, Jordan, Uganda, Cayman Islands, USA, Djibouti, Sudan, Germany, England, iyo Canada; kuwaas oo qaar ka mid ah ay heleen billado kala duwan tan iyo intii uu gacanta ku hayey. By: Mj. Issa Awaleh



Jama Kariin waxay hibadaa ilaah siiyey iyo khibradihiisa gaarka ah ku tusayaan sida looga jecel yahay waddama uu u noqday tababaraha guud (national head coach) intii uu ka fadhiistay oroddada waqti imika laga joogo labaatan sanno ku dhowaad. Wuxuu Jama tababaray kooxo ka soo jeeda waddama Saudi Arabia, UAE, Qatar, Suuriya, Kenya, Morocco, Spain, Ethiopia, Bahrain, Jordan, Uganda, Cayman Islands, USA, Djibouti, Sudan, Germany, England, iyo Canada; kuwaas oo qaar ka mid ah ay heleen billado kala duwan tan iyo intii uu gacanta ku hayey.


Haddaba guushiisii ugu dambeeysay ee jaamac karaiin uu gaaday waxay ahayd markii bishan March ee 2008 ahayd 9dii ayaa midka mid ah ciyaartoydiisii ka socotay waddanka Sudan uu ku guulaystay orodda dhexe ee 800m, isagoo halkaa ku orday record kii ugu wanagsan sannadka ee 800m. Ninkan dhallinta yar ayaa layidhaa Abubaker Kaki Khamis.
Ciyaarahan caalamigaa ayaa ahaa kuwii 12th IAAF World Indoor Championships oo lagu qabtay magaalada Valencia ee waddanka Spain. Guulo kan ka horreeyey ayay qaar ka mid ah ciyaartoydiisu ka soo hooyeen ciyaarahan IAAF ee World Championships.
Waxaa Jama Aden Karaiin ilaahay ku manaystay dabeecad wanaag,iyo hibadaa uu ilaah siiyay kuwaas oo u sababay in adduunka meeshii uu cag dhigaba uga muuqdo haday noqoto tababarnimada ama dad la dhaqankaba. Waxay guushan ugu dambeeysay jama sii xoojisay xilksanimadii, shaqadii, iyo magaciisa oo ka mid noqday tababarayaasha ugu waaweyn ee adduunka qaybta Track and Field ka. Waxay Jama iyo cayaartoydiisu guushan u soo jiidaysaa horumar dheeraad ah sida iyagoo hela sponsors waaweyn, iyo contracts badan, sida advertisements ay ka helayaan company da sameeya qalabka ciyaaraha, iyo jirdhiska. Fadlan la soco qoraaladayada soo socda ee ku saabsan Jama Karaiin.
Issa Awaleh

No comments: