Friday, March 28, 2008

KULMIYOW XUSUUSO

(Waridaad) - Waa Shirweyne ididiilo. Waa kulan aqooneed. Waa maxfal wax-garad. Waa Gole geesi. Waa ardaa dhalinyaro. Waa madal bushoweyn oo kulmisay qayb kasta oo bulshada Soomaliland, gobal kasta, degmo kasta, dhalin iyo waayeel, rag iyo dumar, maal-qabeen iyo muruq-maal, dal-joog iyo qurbo-joog. Waxay hadhsanayaan daladda Kulmiye. Waa shirweynii labaad ee xisbiga. Waa shir miisaan gaar ah leh, ahmiyad sare iyo rajo weyna Soomaliland ka qabto, maalintu waa Sabti, bishu waa March, sanadkuna waa 2008. Waa dharaar taariikhda gashay, lagu daray bogga guusha, laguna sajilay duruusta tariikhda qaran ee u keydsan ubadka iyo jiilasha soo socda ee Soomaliland.

Kulmiyow xusuuso dhaktarka Boorame ee laga soo qayliyey. Xusuuso bukaan-socoda irridda leysku hortaagay, lagu xidhay lacagta. Xussuo inuu halkii nafti kaga baxday. Maydkiisu muddo yaalay ilaa dadweyne u kacay. Xusuuso Isbitaalka Ceerigaabo ee hawshiisu is taagtay. Ogsonow in Ceeri magaalo madax u tahay gobalka ugu weyne ee dalka waa Sanaag ah.
Xusuuso Berbera iyo xaalkeeda. Magaalo magac leh, marsadii dalka iyo albaabka Soomaliland laga soo galo oo shiikhaysa. Xusuuso dekedda iyo gaabiskeeda, xoolaha iyo ganacsiga la tagooray. Xusuuso wershadaha, shiidaalka iyo macdanta kolba shirkad aan jirin loo sexeexaayo. Xusuuso shaqo la,aanta dalka dhammeysay, ee dhalintu lug iyo huudhuba kaga baqoolayaan Ceelaayo ilaa Saylac.

Xusuuso xuquuqda muwaadinka ee lagu tuntay. Waa Xukunka degdega ah, waa maxkamado madaxtooyeysan, waa boolis xisbiyeysan. Waa dal aan miisaniyad lahayn. Xisaab xidhna hadalkeed daa. Hanti dhowr ma jiro, xatooyo ceeb ma aha. Mushahar waxa qaata shaqaale aan la arag iyo been macaaneeye afminshaar. Xusuuso xukunkii xabsiga dhexdiisa iyo xadhigii Hoggaamiyaasha Qaran.

Ku sajil maskaxdaada dhawaaqii ka yimid kooxdii lagu sheegay inay dhowaan ku biireen UDUB: “Waxaanu uga biirnay UDUB kolkii cadaadis nala saaray, shaqo weynay, nalkii nalaga jaray, biyo la’aan een ogaanay waxa nalagu eryanayaa inay tahay Kulmiyaa tihiin.”

Waa dhawaaq dareen fog leh, waa cadaalad darro tii ugu sareysay. Waa kala-sooc qaawan. Waana dad hiilkiina sugaaya. Ma aha sida UDUB hiil xisbiyeysan, ee waa mid xuquuqdooda muwaadin loo soo celin doono. Waa xorriyad muwaadinka loo fasaxo fikirkiisa siyaasi, xubinimadiis xisbi kii uu isagu doorto, oon marna wax yeeleyn kaalinta shaqo, cilmi, gancasi iyo bulsho ee uu kaga jiro ummadda Soomaliland. Kaasaa u ah hiil, soo afjari doona cabsida maskaxdiisa addoomisay.

Kulmiyow ogow in dhibta aan sheegay iyo kumaakun la mid ah, cidda looga fadhiyaa tirtiridoodu tahay intiina magacan wadaagta. Waa rajada shacbiga u heelan cid xukuumaddan bedesha oo ka maydha xumaantii cadaalad darradu ku reebtay. Waxa leydinka fadhiyaa dal horumar tiigsada, dad sharciga u siman, dal aqoonta iyo kartida ixtiraama, dawlad talo-wadaag ah oo keli-talisnimo ka baxda. Wasiiro tayo leh, kooban oo awood leh kana baxa karaaninimada ay ku jiraan, barlamaan dadka matala oo danta guud ku saleeya sharci dejintooda. Dhisme handidhowr wasaarad kasta, gobol kasta, degmo kasta iyo goob kastaba xisaab la dabo jooga, badbaadiya hantida qaranka ee laga soo uruuriyey qof kasta oo muwaadin ah min islaanta kildhiga shaaha ah cadceeda la fadhida ilaa maal-qabeenka.

Ku bushaareyso in cid kasta oo cadaadis ku gashay UDUB inuu yahay xubin kuu maqan. Waxa la yidhaahdaa xoolaha biyo waad u geyn, kuma se qasbi kartid inay cabaan. Waxa hubaal ah in maalinta codbixinta ee qofka iyo sanduuqa loo kala tago inay gocan doonaan xumaantii soo martay, in sawiro iyo fariimo badan oo ku raagay maankoodu soo degi doono. Waxay noqon qaar u hiilay naftooda, qoyskooda iyo umadooda. Waxay noqon qaar ku aarsada codkooda. Waa hiil KULMIYE u maqan.

Waxa leydinka sugayaa barnaamajkii qaawin lahaa indhasarcaadka iyo humaagga riyada ku dhisan ee xukuumadda, iyo barnaamaj horumar dhaqaale iyo bulshaba leh, cadaalad iyo nabad leh, qiimeyn muwaaddan iyo xoriyaddiisa maal, muruq iyo maskaxeed leh. Dhisme tacliineed iyo aqoon talis leh. Waxaad ku darsataan beerid iyo bislayn dadka oo lagu barbaariyo dalk-jecel degma kasta ooy joogaan, isu damqada oo isu gurmada. Waxa keeneysa hab-dawlad wanaag ku dhisan sinnaan iyo bulsho sharcigu hoggaamiyo. Bulsho aan beel-sooc, degmo-sooc iyo reer-sooc midna lahayn. Bulsho qiimeysa wax-qabadka oon abtirsiin iyo gobaltirsiin midna ku eegin muwaadinka miiska halka dambe amba halka hore ka fadhiya. Qof iyo aqoontii, ficilkii iyo odhaahdii.

Kulmiyow waa muujiseen dimuquraadiyad, waanad ka gudubteen isbaarooyinkii loo dhigay inaydun ku turunturootaan. Weli se dabinku wuu daadsan yahay. Gacmo wadajira, indho soo jeeda iyo maskax furan wax qaadata waxna diida, arrinta shiisha oo kala haadisa, dul iyo samir leh, isqadarin iyo walaalnimo leh, is-dhaliil iyo is-toosin leh, tartan aan turxaan lahayn leh oon laga baydhin yoolka guusha ayeydun kaga gudbi kartaan.

Waxaan ku kalsoonay raga tartanka ku jiraa inay dhammaan yihiin dar aqoonteed, kartideed iyo daacadnimadeed leh. Xul indheergarad ah, dal jecel oo taariikh iyo magac ku leh dhismaha Soomaliland. Waa astaan horumar, waana markhaati cad oo ka marag furaysa qiimaha xisbigu leeyahay, iyo kaalinta horyaal ee uu siyaasadda kaga jiro. Waa in kii tartanka ku guulaysta loo haniyeeyaa, leysku barbartaagaa, oo inta tartanka la gashay u noqdaan cududii uu wax ku dhisi lahaa iyo maskaxdii uu wax ku xalili lahaa. Isbedelka dhabta ihi waa hoggaanka dalka oo KUlmiye ku guulaysto.

Waana ISBEDELKA DADWEYNAHU RABO. TAASNA WAXA KELIYA EE LAGU GAADHAYAA WAA DALADDA KULMIYE OO INTA KU JIRTAA IS KAASHATO, AYNA U KALA TEGIN KUNA DADAASHO INAY DHARAAR IYO HABEENBA SOO GUDAGELIYAAN INTA LA FOOF-HABAABIYEY.

Waxaa intaas Kulmiye u dheer kuwa danta iyo cidhiidha dawladda lagu UDUBeeyey, waa kuwa la sugaaya marka iyaga iyo sanduuqa codadku isu keliyeystaan inay la soo baxaan midabkooda dhabta ah . Alla maxaa dar buuga UDUB ku qoran, qalinka KULMIYE ku duugi doona. Waa rag iyo dumar ciishan oo hiil idiinku maqan, idinkana raba tab iyo xeelad ula socotaan iyo idinkoo tusa inaydun tihiin dad ku jira xisbi dimuquraadi ah, dadku xor u yahay fikirkooda iyo doorashada hogaankooda, sharci ku wada socda, kun kala dambeeya, nidaamka aqlabiyaddu sal u yahay, guusha xisbiga ka mideysan. Danta guudna ul iyo diirkeed ah.

Hambalyo iyo Guul Alle.

Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com

No comments: