Tuesday, March 25, 2008

Madaxweyne Rayaale oo la Filayo inuu Isku Shaandhayn iyo Ballaadhin ku Sameeyo Xukuumaddiisa

(Waridaad) - Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda isku shaandhayn ku samayn doono golihiisa wasiirada iyo wasaaradaha xukuumaddiisa. Ma jiraan warar madax-bannaan oo si cad daboolka uga qaaday arrintan oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda.

Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in tirada wasaaradaha iyo wasiirada cusub ee Madaxweyne Rayaale damacsan yahay inuu ku soo kordhinyo xukuumaddiisa ay tiradoodu gaadhayso tobanneeyo wasiir iyo wasaaradood.

Ma jirto sabab cad oo kelifaysa ballaaadhinta Madaxweynuhu ku samayn doono xukuumaddiisa. Haseyeeshee, waxa wararku sheegayaan in arrintani qayb ka tahay olole la xidhiidha doorashada soo socota, iyada oo toddobaadkan uu soo saaray Md, Rayaale degreeto Madaxweyne oo uu ku magacaabay lix gobol iyo 16 degmo oo cusub, talaabadan ayaa u muuqan karta haddii ay dhacdo mid siyaasad ahaan fool xumo weyn ku noqon karta Rayaale iyo xukuumaddiisa.

Xigasho: jamhuuriya.info

No comments: