Monday, April 14, 2008

Badhasaabka Gobolka Togdheer oo si degdeg ah xilka looga qaaday, kadib isu soo bax ballaadhan oo ka dhacay Burco iyo Badhasaab cusub oo la magacaabay

(Waridaad) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa xilkii ka qaaday Badhasaabkii Gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere, waxana uu isla maanta u magacaabay Badhasaab cusub.

Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa daboolka ka qaaday xil-ka-qaadista Badhasaabka Gobolka, waxana uu sheegay in Madaxweynuhu ku macneeyey xil-ka-qaadista Badhasaabka “inuu xilkaa ku wareejinayo hadba ciddii uu u arko inay hanan karto, kana soo bixi karta hawsha qaranka”.

Madaxweyne Riyaale waxa uu u magacaabay Badhasaabka cusub ee Gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Warsame (Biin). Waxana uu ku amray badhasaabka hore inuu xilka si dhakhso ah ugu wareejiyo, isaga oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay u diraan cid xilka u kala wareejisa Badhasaabka hore ka cusub.

Warsaxaafadeedku faahfaahin intaa ka badan kama bixin sababta uu xilka uga qaaday Badhasaabka.

Hase yeeshee, waxay xilka-qaadista Badhasaabku waxay waxyar ka dambeysey isu soo bax ballaadhan oo lagaga soo horjeedo Mudda-kordhinta Madaxweynaha iyo dib u dhigista doorashooyinka oo saaka ka dhacay magaalada Burco.


Isu soo baxaas oo ay soo abaabuleen labada xisbi ee mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, waxa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan barxadda hore ee xarunta Gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE ee magaalada Burco, waxayna dadweynuhu ku dhawaaqayeen Hal-ku-dhegyo ku lid ah Golaha Guurtida iyo muddada ay u kordhiyeen Madaxweyne Riyaale oo ay caddeeyeen in aanay aqoonsanayn.

Sida ay ku soo warrameen weriyayaal jooga magaalada Burco, Badhasaabka xilka laga qaaday ee Gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere iyo Taliyaha Qaybta Booliska ayaa goobjoog ka ahaa isu soo baxaas.

Waxaana la filayaa in Badhasaabku diidey inuu tallaabooyin adag oo cabudhin ah ka qaado dadweynaha reer Burco ee dareenkooda ku muujinayey isu soo baxaas.

No comments: