Monday, April 14, 2008

Iska hadlow, ina dhoolayare

(Waridaad) - Waxaa maanta isla soo taagay idaacadda BBC- laanta af-Somaliga ah, Cabdillahi Maxamed Ducaale -Wasiirka arrimaha dibedda, war aad moodo in nin aan masuul ahayn iska yidhi, isagoo ka jawaabaya su'aal uu waydiiyey wariyaha BBC-du, wuxuu yidhi wasiirku " Guurtiddu iyaddaa ah golaha xaqa u leh inay dib u dhigaan doorashooyinka, waana gole sharci ah" Cabdillahi yare. Mar wax laga waydiiyey dhawaaqii ka soo baxay deeq-bixiyeyaasha iyo sidda ay uga xun yahiin dib u dhaca ay dawladdu ku keentay inay ku qabato doorashooyinka iyo muddo kordhinta ay ku tilmaameen inay kaliftay ammaan daro, kana fiirsanayaan deeqahii ay ugu tala galeen doorashooyinka, wuxuu yidhi wasiirku" Anagaa bixinay kharashkii doorashooyinkii hore, xaqna uma laha inay soo fara geliyaan ammuurahayga, kana anagaa iska bixinayna" Wariyaha oo sii wata su'aalahiisa ayaa waydiiyey wasiirka, warkii ka soo baxay xafiiska ergayga u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo yidhi - " Somaliland amaankeedu uu jilicsanyahay" Taa oo Guurtiddu been qaawan ku tilmaantay, isla markaana ku tilmaantay u kordhinta muddada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu inuu wadanka ka jiro ammaan xumo - waa laba shay oo kala fog, taasoo ku iftiiminaysa in Guurtidda iyo Xukuumaddu ay ku shiraakoobeen siddii ay u jah wareerin lahaayeen ummaddan masiirkeeda faraha laga saaray.

Wasiirku wuxuu sheegay in doorashadda lagu daray 3 bilood oo qudha, lana yaaban yahay sababta ay xisbiyadda mucaariddka ahi la qaylinayaan. Waxaa haddaba la yaab leh, miyaanu wasiirku is dhagaysan, mise wuxuu u baahanayahay in cajalad loogu duubo. Miyaanu wasiirku ogayn in xukuumaddan uu ka mid yahay ay 5 sannaddood iyo dheeraad ay taladda hayse - miyaanu ogayn in wakhtigooddu ku eeg yahay 15 May, 2008, oo ahayd inay ka sii tabaabushaystaan oo u sii diyaargaroobaan doorashooyinka inagu soo foodda leh, mise waxay is leeyihiin ummaddan dooratay ayaa caame ah!

Iska hadlow, dib-udhacaaga u fiirso, ogowna in wakhtigiinii dhamaaday, wixii aad u gashayeen waddankana aad abaalkiisa heli doontaan.

Waridaad media centre

No comments: