Monday, April 14, 2008

Horta yaa abaal gala? Bal ila eeg laba Xasan iyo Jubba keli ah

(Waridaad) - "Kuwa ii hanweynow, marka aad i hoysaan.. “Hogga ii bannaysaan, waa in lay hogtaayoo.. “Hiil waxaan ka geli, ama hoo ka tari jiray.... “Hadhow lay xusuustay, hebel lay yidhaahdaa..... Markan Xasan lay yidhaahdaa....

Qore: Cabdillaahi Cawed Cige,

Liverpool UK
edleh@hotmail.com


Waa qormo uu hore uga qoray dhacdo aad u gilgishay miidaanka sugaanta oo uu ka sheekaynayso Al-abwaan Cabdillaahi Cawad Cige, bal dheego oo dhuux, waxaanu mar labaad u soo daabacnay, in aanu idin tusno shakhsiyada Cabdiqaadir Jubba ee shalay iyo maanta.

Habeennimadii bisha Diisambar 12ka ahayd waxa madal weyn oo ku taalla xaafadda Kensington ee magaalada Landhan ka dhacday xaflad suugaaneed u badan heeso iyo miyuusig oo xus iyo xusuus looga dhigay abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey”. Xuskaas waxa ka qaybqaatay fannaaniin Soomaaliyeed oo yar iyo weyn leh.

Xafladdaas waxa budhtuur u ahaa oo wacdaro ka geystay fannaaanka caanka ah ee Xasan Aadan Samatar. Xasan xafladda kama tumin oo keli ah, ee wuxuu muujiyay gobannimo dheeraad ah.

Xasan Aadan wuxuu maalinta 22ka Diisambar 2007 xaflad faneed ka diyaarsaday magaalada Edminton ee carriga Kanada, xafladdaas oo la sii xayaysiiyay, diyaarna loo ahaa. Waxa markaas Xasan lagala xidhiidhay magaalada Landhan oo ay ka socotay qabanqaabada xafladda 22ka Diisambar ee lagu sharfayay abwaanka Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey”. Xasan Aadan Samatar markii uu maqlay warkaas ee loo sheegay wuxuu go’aansaday inuu baajiyo xafladdii isaga u gaarka ahayd, oo uu usoo duulo Landhan, wakhtigiisa iyo hobolnimadiisana hormood kaga noqdo oo weli ba ku hoggaamiyo xuska abwaanka........Maqaalkii oo dhan

1 comment:

Anonymous said...

Alalahe AHMEDOW sharaf iyo geesinimo ayaad mudantahay hadii aad banaanka soo dhigtay Sharaflaawey iyo Alalaawey

Abdi
Ottawa