Tuesday, April 22, 2008

Diyaargarowga Qorshe Dagaal Oo Ay Wado Xukuumaddu Oo Heerki Ugu Danbaysay Maraya, Dhaqdhaqaaqa Ciidamadda Qaran Iyo Diyaargarowga Mucaaridka

(Waridaad) - Xukuumadda wakhtigeedi gabaabsiga yahay ee Md Rayaale ayaa ku gudo jirto diyaarinta qorshayaal iyo barnaamijyo milatari oo laga fulinayo sadex gobo loo ka mid ah lixda gobo lee Somaliland, kuwas oo kala ah goboladda Maroodi Jeex (Hargeysa) Togdheer iyo Sanaag. Sidaas waxa noo xaqiijiyey ilo wareed muhiim ah oo ka mid ah xukuumadda Somaliland.

Kadib markii golaha guurtida ee wakhtigii sharcigu ka dhamaaday ay muddo kordhin aan sharciga waafaqsanayn u sameeyen Md Rayale iyo xukuumadiisa ayaa waxa arrinkaas diidmo qayaxan kala horyimi labada xisbi ee mucaaridka ah. Waxa sidoo kale diidmo ka muujiyey arrinkan koomishanka doorashoyinka ee qaranka oo waday heshiis ay la galaan sadexda xisbi qaran oo ah muddada ay doorashoyinku ku qabsoomayan. Waxa yaguna arrinkan cambaareeyey hayadda inter-peace oo ah hayadda u qaabilsan ururka midowga Europe dhanka doorashoyinka Somaliland.

Sida ay xaqiijinayan warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya qasriga madaxtooyadda, Md Rayale iyo xukuumadiisa ayaa bilawgii wiigan farriin isugu jirta Digniin iyo hanjabaad u gudbiyey koomishanka qaranka Somaliland, kuwaas oo ay ugu hanjabeen inay sharciga la tiigsan doonaan (xidhayaan) haddii aanay ka tanaasulin dhawaaqii iyo heshiiskii ay la galeen sadexda xisbi qaran.

Dhinaca kale Md Rayale iyo xukuumadiisa ayaa bilowday dhaq dhaqaaq ciidan iyo milatari iyada oo ciidamaddo xad dhaaf ah oo laga keenay meelo kala duwan heegan lagu galiyey magaaloyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo.

“Marka la gaadho bisha shanaad waxa lagu wadaa in wadanka gebi ahaan lagu sooo rogo bandow bilaabanaysa shanta galabnimo” sidaas waxa yidhi xubin sare oo ka tirsan ciidamadda sirdoonka Somaliland oo dalbaday in aan la magacaabin. Mudanahani waxa uu sheegay in halka ugu horeysa ee laga filayo dhaq dhaqaaq ciidan oo ah magaaloyinka Hargeysa iyo Burco ay xukuumaddu ka hawl gashay, iyada oo ciidamadii degaanka u dhashay ka rartay oo geysay jiida hore ee Laascaanod, halka magaalooyinkaas lasoo dhoobay ciidamado u dhashay daafaha Somaliland.

Dhinaca kale ee xisbiyada mucaaridka waxa soo baxaya warar xaqiijinaya dhaq dhaqaaq kacdoon oo ka socda xisbiyadda mucaaridka. Waxaa sidoo kale jira shirar iyo diyaar garow leh mucaarid iyo xukuumad oo loo diyaar garoobayo isku dhaca la filayo in uu la bilan doono bisha shanaad ee inagu soo fool leh.

Ilaa hadda ma jirto isku day iyo dhaq dhaqaaq siyaasadeed ama feker oo laysku daydayo ka hortagga dhibaatoyin dagaal ama nabadgelyo darro iyada oo golaha guurtida ee wakhtigodi dhamaaday ku fashilmeel doorkii ay ku lahaayen dalka ee odaytinimo ama nabadgelyo yagiina noqdeen qayb ka mid ah dhibaatadda laysku hayo.

© Somaliland.Org 2008

No comments: