Tuesday, April 22, 2008

SOMALILAND FORUM - Warsaxaafadeed

(Waridaad) - Muddo Xil Kordhin aan Distoori ahayn lama Aqbalikaro, Diwaangelintuna waa in ay Doorashooyinka Habeysaa ee aanay Halleynin

Ururka Somaliland Forum waxa uu si aada uga xun yahay in mar kale doorashooyinkii Somaliland dib-u-dhac ku yimaado, oo muddo kordhin aan Distoorka waafaqsanayn oo baalmarsan soojeedintii Kommishanka Doorashooyinka ay Guurtidu go'aamiso.
Anagoo wada ogsoon sababta aanay doorashooyinku xiligii loogu talo galay u dhacayn, haddana waxaanu aaminsanahay inaan Golaha Guurtida sharciga iyo distoorka dalka midnaba awood u siineyn inay ku go'aamiyaan muddo kordhin. Sida aynu la wada socono, sanadkii 2002dii oo go'aan kan oo kale ah ay Guurtidu ku tallaabsadeen wakhtigii marxuun Maxamed X Ibraahim Cigaal (Allah ha u naxariistee), ayaanu Urur ahaan caddeynay sida aanu uga soo horjeedno maadaama oo ay ka hor imanaysay distoorka qaranka. Muddo korodhsiimooyinkii ka dambeeyeyna sidaasoo kale ayaannu u arkannay inay Distoorka baalmarsanaayeen.

Maanta, Urur ahaan waxaanu taageersanahay heshiisyadii saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka ay isla gaadheen bishan (9/04/2008). Arrintan waxaanu ku raacsanahay soo jeedintii mudanayaasha iyo marwooyinka Gudida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka, hase yeeshee waxaanu kaga duwanahay intaa ay raaciyeen in Guurtidu Korodhsiimo muddo sameyso oo heshiiska raacsan. Haddii aanay Guurtidu marnaba waqtigan taagan awood distoori ah u laheyn in ay korodhsiimo sannad ah sameeyaan, mid 9 bilood ahna awood uma laha in ay sameyaan.

Sidaas awgeed, ma qabno in Guurtida keligood laga doonto sharciyaynta arrintan inagu soo fool leh 15ka May marka muddadii xilka Madaxweeynahu ay ku egtahay. Annaga oo tixgelineyna heshiiska ay isku raaceen 3da xisbi qaran iyo Kommishanku, oo aanay jirin qodob distoorka oo ka hadlaya dib-u-dhaca doorashada aan nabadgelyo xumi ku xidhneyn, waxaanu qabnaa in heshiiskan lagu hirgelinkaro marka dib loogu noqdo mabaadii'da Distoorka ee ay ka mid yihiin wadatashiga iyo habka xisbiyadda badan. Sidaad awgeed, wixii lagu heshiiyo in lagaga gudbo marxaladdan aan Distoorka ku qornayn, waxaa lagu sharciyayn karaa Xeer muddeysan oo ah kuwa loo yaqaaan Xeerarka Qorraxdhaca (Sunset Laws) oo lagu dhaqmayo uun muddada 16-ka May ilaa Madaxweynaha la doorto la dhaariyo oo noqoneysa bisha January 2009 dhamaadkeeda.

Waxaanu ku talineynaa waxayaabaha lagu heshiin karo ee Xeerkan Muddaysan lagu soo saarayaa inay noqdaan sidan oo kale:

1. M/weynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo aqbla in sharciyan mudadii 5ta sano ay ka dhamaatay, laakiin ay sii hayaan jagooyinkooda muddadaa cayiman ee ah 16ka May ilaa doorashada jadwalka lagu heshiiyey ay dhacdo oo dhaarta la gaadho.

2. Waxay danta waddanka iyo shicibku ku jirtaa; in muddadan aan caadigan ahayn in M/weynuhu magaacabo dawlad qarameed loo dhan yahay oo ka soo jeeda 3da Xisbi Qaran, maamulka iyo awoodana loo qaybsado si dheelitiran.

3. In ahmiyadda ugu weyn ee Golahan cusub ee Dowladdu ay noqoto qabashada doorashooyinka.

4. In wixii muddooyin cayiman ah ee ku jira Xeerka Diiwaangelinta (Xeer Lr. 037/2008) ee kasoo horjeeda jadwalka ay mar kasta ku heshiiyaan Koominshanka iyo 3da Xisbi laga doorbido oo loo raaco, muddada Xeerkan Qorraxdhaci u jirayo, jadwalka lagu hashiiyo, ahmiyaduna ay ahaaneyso qabashada doorashada. Diwaangelintu waa inay Doorashooyinka Habeysaa oo aanay Halleynin.

5. Mar hadii isagu ka faa'idayo muddo kordhin, waa in mudadaas Madaxweynhu aanu qaadin tallaaboyin wax-u-dhimaya heshiiska la gaadhay iyo Xeerka Qorraxdhaca ah.

6. Heshiiska in la gaadho oo Xeerkan Qorraxdhaca ah ay ansixiyaan labada Gole iyo Madaxweynuhu 15ka May 2008 inta ka horreysa. Adduunka Barlammaannadu xeerarka deg -dega ah waxay ku dhameeyaan maalin gudaheed.

7. Xeerkani in uu baabao' (oo qorraxdu u dhaco) maalinta Madaxweynaha lasoo doortay la dhaariyo oo Golahan dawladda ee muddadan cayiman ay malintaas ku ekaato.

Waxaanu qabnaa doorasho waqtigii xilalka Madaxweynuhu iyo xildhibaannadu ay dhammaadeen dhacdaa in aanay jirayn haddii aaynaan korodhsiimadan Guurtidu innoo horseeday aynaan ka gudbin. Waxaanu soo jeedineynaa in labada qodob (83(5) iyo 42(3)) ee ku saabsan kordhinta muddada xilalka Madaxweynaha iyo tan Golaha Wakiillada ee hadda ku jira Distoorka laga saaro 2009ka, marka aynu dhammeyno doorashooyinka waa inaynu ka tashanaa doorashooyinka Guurtidan xilka haysay ilaa 1997kii.

Ugu dambayn, waxaannu shacbi weynaha reer Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan nabadgalyada iyo xasilloonida dalkooda hooyo oo ah ta kaliya ee maanta dunidu inoogu soo joogsato. Xisbiyada iyo goleyaasha qarankana waxaanu u soo jeedinaynaa inay sharciyada dalka u hogaansamaan oo khilaafka dhexdooda ahi aanu ragaadin wada shaqaynta ka dhaxaysa iyo geedisocodka dimuqraadiyada Somaliland. Golaha Wakiillada waxaanu ku guubaabineynaa inay xasuustaan inay yihiin waaxda xeerdejinta ee la soo doortay, ayna awoodooda distoorka siiyay fuliyaan.

Somaliland Forum

Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurb-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.

Guddida Dhexe ee Somaliland:
Giddida Dhexe ee Somaliland:
Gudoomiye: Rashid Garuf , USA , Chairman@somalilandforum.com
Ku-Xigeen: Abdirahman Mohamed Magan, UAE, vice@somalilandforum.com
Xoghaye: Cabdinaasir Haybe Farah, Canada ,secretary@somalilandforum.com
Xisaabiye: Ismaaciil Cawed, Kenya , treasurer@somalilandforum.com
Xubin Guud: Ahmed Abdi Jama, Somaliland, xubin@somalilandforum.com

Faahfaahin ku saabsan Somaliland Forum: www.somalilandforum.org

No comments: