Friday, April 18, 2008

MADAXWEYNE RIYAALE IYO ISIR GUMAADKII MAATADA REER SOMALILAND

(Waridaad) - Madaxweyne, bal, dib u jaleec halkaad kaga jirtay dembiyadii dagaal iyo Isir Gumadkii qorsheysnaa ee wejiyada badnaa ee sida waxaashnimada ah loo geystay maatada Beesha Somaliland gaar ahaan maatada Beesha Sheikh Isxaaq ee aan waxba galabsan ee NSS-tu iyo ciidamadii kala duwana ee rijiimka militariga ahaa ee fashiistaha ahaa ee Horor Siyaad Bare, aydun si wadajirka ah ugu fuliseen.

Mida kale, bal, dib u jaleec adigoo ahaa Taliyihii NSS-ta Degmada Berbera, dhagarihii aad magaalada Berbera ka geysatay sida basaasnimadii Eebe ku caasiga ahaa, jidh dilkii axmaqnimada iyo bahdilaadii aadnimada ka baxsanaa, dembiyadii wada been abuurka ahaa ee NSS-tadu dadka rayidka ah dembiyo aaney geysan dusha ka saari jireen ee badankoodu ku muteysteen ciqaabo halis ah sida in maxkamad ku sheeg cadaalada ka fog la hor keeno laguna qaado dembiya been abuur ah ka dibna, tiirka la soo taagi jiray si xaq daro ahna dil toogasho ah lagu fulin jiray; qaarkoodna, ay ku muteysan jireen xadhig dheer oo adag oo xaqdaro ah, iyo markabkii dhamaa ee ay saarnaayeen boqolaalkii muwaadin ee laga soo tarxiiray dalka Saudi Arabia ee aydun wada xasuuqdeen dhiigoodoo ilaa maanta lagu haysto, maxkamada Dembiyada Dagaal ee Caalamiga ahna, goor ay ahaataba, lagu soo taagi doono maadama aadan ka waantoobin dulmigii iyo dhibaatadii aad shacbigan gobta ah ku haysey.......Maqaalkii oo dhan

No comments: