Tuesday, April 15, 2008

KULANKA JAALIYADDA SOOMALILAND EE WALES IYO Md: ALUN MICHAEL MP

(Waridaad) - Jimcihii 11/04/08 waxa ka dhacay magaalada Cardiff Shirweyne ay isagu yimaadeen Jaaliyadda Soomaliland ee Wales iyo wafdi dawladda Britan iyo tan Wales isagu jira. Dhinaca barlamaanka Britan waxa matalaayey Alun Michael MP oo isla markaas Guddoomiye u ah Ururka Xildhibaanada u ololeeya Soomaliland – U.K All Party Somaliland Group, Xukuumadda Wales waxa ka socday Mr. John Townley oo ah madaxa Xidhiidhka Caalamiga ee Horumarinta Wales International Development Department, iyo Mr. Vaughan Gething oo ah xildhibaan dawladda hoose ee Cardiff lagana doorto xaafadda Butetown oo ah degaan Soomalilanderku ku badan yahay. Waxa jaaliyadda hoggaaminayey Guddoomiyaha Axmed Xasan Carwo iyo Agaasimaha Cabdikarim Cabdi Aaden.

Shirka oo nuxurkiisu ahaa xogwaran iyo iswareysi la xidhiidha xidhiidhka wax-wado qabsi ee Wales iyo Somaliland gaar ahaan Mashruuca Isku-xidhka iyo iskaashiga Soomaliland iyo Wales, ( Somaliland Wales Link). Waxa lagu soo bandhigay mashruuca Isku-xidhka Somalialnd iyo Wales iyo Xogwaran dheer oo Alun Michael ka akhriyey madasha lana xidhiidha waxqabadka Ururka Xildhibaanada ee taageera Soomaliland iyo socdaalkii ay ku soo mareen Soomalialnd.

Waxa shirka lagu furay aayado Quraanka Kariimka ah oo uu akhriyey Xasan Maxamed. Waxa xigtay soo dhoweyn diiran oo uu madasha ku furay Guddoomiye Axmed Xasan Carwo. Waxuu Axmed yidhi “ Waxaa sharaf ii ah inaan maxfalkan ku soo dhoweeyo marti odhanmaayee saaxiibkeena weyne ee Alun Michael oo xidhiidh jaaliyadda la lahaa muddo ku dhow soddon sano, 20 ka mid ahna uu inoo ahaa wakiilka inagu matala Barlamaanka Britan. Sidoo kale waxa maamuus iyo qadarin inaga mudan Sarkaalka sare ee Xidhiidhka Horumarinta Caalamiga ee Wales, Mr. John Townley . Waa nin hormood ka ah mushruuca Isku-xidhka Somaliland iyo Wales. Waxa isna inala jooga oo shirka inoo guddoomin doona xildhibaanka aynu doorano ee Xaafadda Butetown Mr.Vaughan Gething. Waxa iyana inoo xogwarami doona labada sarkaal ee xafiiskeena dhowaana ku tegay dalkii socdaal shaqo waa Agaasimaha Cabdikarim iyo Harris.Ugu dambeyn waxaan mahad qaali ah u naqayaa xubnahiina sharafta leh ee sida quruxda badan dhalin iyo waayeelba uga soo qayb galay shirkan. Waxaanan inoo rajeynayaa inuu noqdo mid waxtar iyo taakulin ku biiriya xidhiidhka labada dale e soo jireenka ah. Waxa jaaliyad ahaan inoo sharaf ah inaynu nahay biriijka isku xidhay labadeena dal “

Intaas dabadeed waxa hoggaaminta shirka la wareegay Xildhibaan Vaughan oo warbixn kooban ka sheegay taariikhda Jaaliyadda iyo kaalinta ay kaga jirto bulsho weynta Wales. Waxuuna u yeedhay Mr John Townley inuu ka warbixiyo mashruuca Isku-xidhka. John waxuu aad uga waramay ujeedada ah in jaaliyadda Soomaliland ee Wales iyo bulsho wenyta Soomaliland ay marwalba isku xidhnaayeen, tan la rabaan tahay in xidhiidhkaas loo gudbiyo labada dal iyo bulshada kale ee Wales. Waxa mashruucu taaban doona isku-xidhka Isbitaalada, iskuulada iyo Jaamacadaha , Golayaasha Sharcidejinta , Golayaasha Dawladaha Hoose iyo meelaha kale ee loo baahdo.
Waxa makarafoonki ku wareegay Agaasime Cabdikarim iyo Harris oo si qotodheer uga waramay socdaalkii ay ku tegeen dalka. Cabdikarim waxuu yidhi “ Waxaanu soo aragnay baahi aad u ballaadhan iyo dedaal dad iyo dawladba loogu jiro taakulinta mashruuca Isku-xidhka Soomaliland iyo Wales. Waxaanu soo aragnay Isbitaalo, iyo iskuulo aad u dayacan oo u baahan taakulin dhan walba ah. Waxaanu marnay 4 Gobol oon iskuulo iyo isbataalo si gooni gooni ah u eegnay, si aanu ugu xidhno dhigood oo Wales. Waxa kale oon xidhiidh la yeelanay labada Gobo lee kale oo aanu socdaal kale ku tegi doono.”

Haaris ayaa ku biiriyey sida diiran ee dalka loogu soo dhoweeyey iyo kulan ay la yeesheen Madaxweynaha, Wasiirada iyo Wakiilada, Maayarada, Xisbiyada, NGOska iyo Maamulada Gobalada oo dhammaan aan waxba kala hadhin soo dhoweyntooda . Waxuuna ku ammaanay dedaalka dadweynahu ay ugu jiraan inay horumar gaadhaan. Waxuuna si gaar ah u ammaanay dimuquraadiyada iyo hawlaha ay hayaan seddexda xisbi.

Intaas dabadeed waxa hadalka lagu soo dhaweeyey Mr. Alun Michael MP. Waxuu Alun akhriyey qudbad aad u dheer qiimo badan oo tabanaysa arrimo badan oo ku saabsan Soomaliland iyo Jaaliyaddaba. Waxuu soo dhoweeyey mashruuca isku-xidhka labada dal oo uu ku tilmaamay mid loo bahan yahay ka midhodhalintiisana xil weyni ka saaranyahay Jaaliyadda iyo Maamulka Wales oo uu aad ugu mahadnaqay sida ay wax u wadaan. Waxuu u galay arrimaha siyaasadda iyo socdaalkii ay Somaliland ku tageen Waxuu yidhi: “ Waxaan ahay Guddoomiyaha Ururka Xildhibaanada Barlamanka Britan ee taageera Soomaliland. Waxaanu aad ugu dadaalnaa oon guulo badan ka gaadhnay ictiraaf-doonka iyo taakuleynta dhaqaale ee Soomaliland. Si gaar ah waxaanu meel kasta ka iibinay oo la garwaaqsaday geedisocodka dimuquraadiyadda ay Soomaliland keligeed gaadhay. Taas oo aanu dawladaha Yurub ku qanacsan yihiin in la taageero dhismha hay’adaha dimuquraadiga ah iyo doorashooyinka soo socda. Socdaalkayagii waxaanu soo aragnay dad isku tashaday oo u duuban midnimadooda iyo xoojinta dimuquraadiyadda iyo nabadgelyada, waxaanu la kulanay Xukuumadda, Wakiilada, Xisbiyada, NGOyada, iyo Jaamacadaha. Shir gaar ah waxaanu la galnay Guddiga Doorashooyinka. Muranada jiraa waa inay ku eekaadaan loolan siyaasadeed, waxaa se dhammaan aanu kala shaqaynaynaa in heshiis la wado gaadho, doorashadana si xor ah iyo cadaalad lagu maamulo, laguna dadaalo in waqtigeeda la dhigo. Waxaan xusuustaa in cod yar doorashadii madaxweynaha lagu kala helay. Waxaana ley xaqiijiyey in Mud. Siilaanyo uu ku qancay go’aankii Maxkamadda, diidayna codsi kaga imanaaya xisbiga oo lahaa aan diidno. Waana arrin faan u ah Soomaliland, ku dayashana leh, oo daris u nooqn karta Maraykan, iyo Zimbabwe, anaguna Britan ahaan waanu ku hanbalyeynay”

Waxuu Mr.Alun ku tilmaamay tartanka dimuquraadiyada oo marwalba mucaarid iyo muxaafid ka dhexeeyaa inuu yahay mid caafimaad oo ina tusaaya dimuquraadiyadii oo shaqaynaysa , yaan loo arkin xumaan. Mucaarid la’aan dimuquraadiyadi ma jirayso. Waa se in kol walba danta guud la wado ilaaliyaa. Waxaa leyga waramay shireweynahii KULMIYE oo si fiican oo dimuquraadi ah u dhacay, waanan ku hanbalyeynayaa. Waxaanan rajeynayaa in xisbiyada kale taas oo kale samayn doonaan. Waana guul kale oo Soomaliland ku faanayso.” Waxa kale oo uu xusay in Marwo Edna Ismaaciil ay Cardiff u iman doonto xagaagan si ay u guddoonto shahaadad sharaf ay siinayso Jaamacadda Wales , kuna saabsan waxqabadkeeda dhinaca caruurta iyo haweenka. Waana mid muujinaysa xidhiidhka wanaagsan ee labada ummadood. Waxaana shirweynahu sacab hanbalyo ah ugu soo dhoweeyey Marwo Edna iyo sharafta ay dalkeena u soo hoysay.

Shirka waxaa kalmad mahadnaq ah ka soo jeediyey Ibraahim Cara boo aad ugu mahadnaqay wafdiga iyo xubnaha jaaliyaddaba. Waxa xigatay dhowr su’aalood oo la wediiyey wafdiga. Waxaana ka mid ahaa sida ay u suuragaleyso in macalameen laga keeno Somaliand oo lagu tababaro dalkan. Jawaabta laga bixiyena ay tahay in ay qorshaha ugu jirto in tababar gaaban la siiyo macalamiin laga soo qaado dalka. Waxa iyana la weydiiyey dhibaatda Jaaliyadda haysata dhinaca caafimaadka, tacliinta iyo shaqo la’aanta. Taas oo looga jawaabay in Jaaliyadda,iyo Golayaashu kulan khaas ah ka yeeshaan.

Ugu dambeyn Su’aal la weydiiyey Alun oo ahayd waxa ictiraafka hortaagan. Waxuu kaga jawaabay: “ Horta dalkan Soomaliland xorriyad ayuu helay, muddo gaabana waxuu ahaa xor, taasi sharciyen waa mid suurtagal ka dhegeysa gooni-isu-taaga. Bal se ma jirto maxkamad taas fulin kartaa. Waana arrin u baahan dadaal dal dal loola xidhiidho. Waxaana la door bidayaa dalalka Afrika. Itoobiya waxay noo shegtay inayna ugu horreynayn oo taariikh ahaan ay adagtay. Laga yaaba in South Afrika bilowdo. Dadaalka runta ahi waa kan laga doonaayo reer Soomaliland. Waxaana lagu taliyaa inay wadahadal ka yeeshaan iyaga iyo Soomaliya, ma se la oggola in dhismaha dimuquraadiyada ee Somalialnd la wiiqo. Taas ayaana aanu mabda’ ahaan daafacnaa.”

Shirkiisi waxuu ku dhammaaday guul, sacab iyo farxad loogu wanqalay Mashruuca Mataanaynta Soomalialnd iyo Wales oo aad loogu hanweyn yahay.

Ahmed Hassan Arwo
Guddoomiyaha Jaaliyadda
Soomaliland ee Wales
Cardiff
samotalis@gmail.com

No comments: