Tuesday, April 15, 2008

Universal TV Oo Soo Gubay Somaliya iyo Muqdisho Oo Doonaya in Uu Somaliland Dagaal ka Dhex Rido.

(Waridaad) - Waxaan in badan jeclaa in aan mar arko TV Somaliyeed ama ku hadla afka Somaliga oo ubadku ii daawado. Waxaan si aan la soo koobi Karin ugu farxay, ugu riyaaqay, runtiina aan aad u ammaanay, dedaalka iyo garashada maamulka Universal TV. Waxaan sidaas u samaynayey, waxaanan ogayn qorshaha u dahsoon, waxaanan ogayn in ay abuurayaan colaado iyo kala fogayn ummada afka Somaliga ku hadasho ay u horkacaan mar kale, marnaba kuma fekerin in ay dadka dedaalka intaas leeg sameeyey, dadka aasaasay TV laga daawan karo aduunka oo dhan, dadkaas ay hal ku dhigoodu yahay dhexdhexaad, in ay wataan ujeedooyin u gaar ah. Si aan loo moodin in aan iska maagayo aan cadeeyo, waxaan arkay.

Sanadka horaantiisii ayaa waxaa soo baxay in maamulka Universal TV ay aduun ka qaateen Cabdillaahi Yusuf, in ay kulan kula yeesheen mar uu yimi dalka Ingiriiska sanadka 2007-ka dabayaaqadiisa oo xaalado caafimaad loo keenay, waxaa illo iyo xog ogaal badan cadeeyey, in xubno maamulka Universal TV ah ay si dhab ah, xaqiiq ah, oo daacad ugu muujiyeen taageero cabdilaahi Yusuf, waxayna kaga bedesheen in uu aduun ay u baahan yihiin, si loo balaadhiyo Universal TV uu siiyo.

Waxay masuuliyiinta Universal TV qorshaha ugu balaadhan rabeen, in ay laba meelood maamul ka dhistaan, waxay rabeen in ay shaqaale u adeega Universal TV u sameeyaan laba meelood oo afka Somaliga ku hadla, labaas meelood waa Somaliland iyo DJabuuti., dhaqaalaha ku baxayana anniga ayaa qaba ayay isku afgareeteen Cabdilaahi Yusuf. Mar aan waraysanay dad aad ugu dhawdhaw xubnaha shirka tegey oo aanu ka waraysanay heshiiska Cabdilaahi Yusuf iyo Universal TV, waxa ay noo cadeeyeen, in uu balan qudha kaga tegey. Haddii arrinkaasi fulo wuxuu sheegay Cabdillaahi Yusuf in ay tahay laf dhabarka siyaasada iyo midnimada Somaliya.
Waa Maxay Arrinkaasi?

Wuxuu sheegay Cabdilaahi Yusuf in Universal TV oo ay leeyihiin dadka tirada yar ee Koonfurta ku nooli, dadkaas oo aanay dareemayn dadka reer waqooyiga ahi in ay ka dhan yihiin, in aad isku daydaan in aad ku milantaan siyaasada Somaliland. In aad muujisaan in aad u dhex tihiin, laakiin aad garab raacdaan. In aad qolona wararkooda shaacisaan oo ka dhigtaan kuwa xaqqa ku taagan, qolona aad cabudhisaan. In aad shaqaalaysaan dad aan aqoon saxaafadeed iyo xirfad warfidiyeenimo lahayn. In aad dhelitirka wararka ka saartaan adeegiina dhinaca Somaliland. In aad Axsaabta mucaaradka ah wararka aad ka sii daysanayaan iyo shirarka ay qabanayaan aad tidhaahdaan bixiya kharashka saacadahaas. Tusaale Shirkii Kulmiye waxaa wararku sheegayaan in ay diideen in ay baahiyaan, sidoo kale ay ku doodeen in ay iibiyaan wakhtiga la sii daynayo wararka noocaas oo kale ah, saacadiina tahay $1200, halka ay warsaaxafadeedyada Udub si toosa u soo daayaan iyo dadka ay sheegaan in ay udub ku soo biiraan.

Waxaa ugu danbeeyey in ay diideen in ay soo daayaan hadalkii Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee warsaxaafadeedkii 14/04/2008 mid kaas oo ay wada qabteen isaga iyo Siilaanyo, halka ay guddomiye udub ah oo ka mansab hooseeya oo ah, guddoomiyaha udub ee gobolada bari ay soo daayeen, isaga oo dumar la shiraya. Halka ay Faysal oo masiirkii ummada Somaliland ka hadlaya, ka diideen in ay u baahiyaan hadalkiisii, wiilka yar ee weriyaha ah ee ay shaqaaleeyeena uu ku dul duubay hadal uu isagu leeyahay, halka bulshadu doonayso weedhaha siyaasada xambaarsan ee Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ee aanay marnaba doonayn, hadalka tashuushada ah ee sidii idaacadihii yaryaraa lagu dul duubay ee wiilka u adeega Uinversal TV.

Waxaanu ugu baaqaynaa in dhamaan reer Somaliland aanay daawan, daalacan ama fiirsan telefiishanka lagu kala kaxaynayo dadka reer Somaliland, in aanay marnaba u adeegin cadawgooda. Waxaanu kaloo ka codsanaynaa maamulka Universal TV mar haddaanay noqon karayn dhex in ay kala baxaan faraha dadka iyo dalka Somaliland. Waxaanu kaloo ka codsanaynaa shaqaalaha reer Somaliland ee lagu gabraaranayo in aanay ku ceeboobin arrimahaas ay faraha kula jiraan ee faraha kala baxaan.

Aadan Ibrahim Xasan

Somaliland/ Hargeysa

No comments: