Friday, April 18, 2008

TV-ga Madaxtooyada Iyo Idaacadda Hargeysa Oo Faafiyay War Been Ah

(Waridaad) - Wajaale/Gabiley, (Haatuf) – TV-ga laga maamulo Madaxtooyada iyo Radio Hargeysa, ayaa xalay laga sii daayay war sheegaya banaan-baxyo ka dhacay Gabiley iyo Wajaale oo lagu taageerayo muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyay Daahir Riyaale. Hase yeeshee dad farabadan oo reer Wajaale iyo Gabiley ah ayaa sheegay inaan haba yaraatee wax banaan bax noocaas ahi ka dhicin magaalooyinkaas, isla markaana ay idaacadda iyo TV-ga ka been abuureen dadka magaalooyinkaas.

Dadkani waxa kale oo ay sheegeen inay jiraan shakhsiyaad Hoolka dawladda hoose ee Gabiley lagu xareeyay oo uu Maayarka Gabiley Xuseen Jameeco kula shiray, balse aanu jirin isu-soo-baxa la sheegay ee idaacadda iyo TV-gu ku celcelinayeen, waxaanu TV-ga Dawladdu isticmaalay muuqaalka mudaharaado hore oo Gabiley ka dhacay. “Waxaa looga jeedaa in lagu waxyeeleeyo banaan-bixii reer Burco ee sharafta lahaa, waxaanuna u aragnaa in meel lanagaga dhacay”. Sidaa waxa yidhi nin magaciisa ku sheegay Caanteynle oo Haatuf la soo xidhiidhay.Maaha tani beentii ugu horeysay ee warbaahinta dawladdu kaga been-sheegto dadka shicibka ah ee Somaliland, balse marar hore ayay sidan oo kale warbaahinta ummadda u adeegsatay been iyo borobagaande looga dan leeyahay inay taageero ku hesho Xukuumadda Riyaale iyo xisbul-xaakimka UDUB.

Xigasho: www.haatuf.net

No comments: