Saturday, April 05, 2008

WAXII RAG MAAREEYO, RABINA AQBALAA WEY RUMOOBAAN

(Waridaad) - Hawl kasta, arrin kasta, iyo dhacdo kastaba, waxaa guul laga gaadhaa marka la gorfeeyo, gees walba la eego, talo-wadaag laga yeesho, inta ay khuseysaa ka dodo, wax istusaan, deedna go’aan ka qaataan. Go’aan-qaadashada waxa marka hore leysla doonaa qancin iyo in la helo talo lagu wado kalsoon yahay oo wadar ahaan loo aqbalo. Taasi ma aha mid inta badan dhacda, oo abuurista aadmiga ayaa Illaahay qofba maan iyo aragti gooni ah ku beeray. Waxa se jirta wax inta badani arrin kasta isla garato. Waana taas tan ay ku dhisantay dimuquraadiyaddu, oo waa aqlibiyadda oo talisa. Arrin xisbi, koox amba reer, waxa lagu maareeyaa go’aanka aqlibiyaddu qaadato. Taas ayaa qancisa inta rayigooda laga batay.

Waxa xisbiga KULMIYE muddo ku maqnaa arrinsi lagu soo uruuriyo rayiga bulshada iyo afkaarta raga iyo dumarka hoggaaminta xisbiga ku tartamaaya. Marxalado kala duwan ayey soo martay. Waxa taas dheer xukuumadda iyo xisbigeeda oon waxba ula hadhin, si toos ah iyo si dadbanba, minjo-xaabinta iyo dacaayadda xisbiga, yoolkuna ahaa in Shirkani noqdo mid fashil iyo kala-carar ku dhammaada.

Waxa dhinaca kale ka hawlgaley xubnaha xisbiga mid cusub iyo mid horeba. Waxa soo jeeday geesiyaal ay hagayso wadanimada iyo xisbinimadu. Dar aqoon cilmi iyo waayaarragnimo sare leh, lexjeclo qarannimo wax ku eega, ogsoon in xisbigu si siman ugu baahan yahay gobal kasta iyo degmo kasta oo dalka ah. Waxa guusha maanta la gaadhay ammaanteed leh xubnaha xisbiga guud ahaan, gaar ahaana raggii iyo dumarkii lahaa qabanqaabada ee uu hoggaminaayey Mujaahid Axmed Muxumed Madar, waayo arag, indheergarad ah oo dulqaad badan, xabsi iyo tacadi shakhsi u soo galay qarannimada Somaliland, waa halkay SNM ka unkantay, oo waxuu ahaa aasasayaashii UFFO. Waxa sidoo kale leh ammaan Guddiga Shirguddoonka Shirweynaha ee uu hogaaminaayey Gud. Sheikh Cabdiasiis Samaale, iyo Cadami, Guddomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka waa rag aqoon-diineed leh, daacadnimo iyo geesinimana lagu yaqaan. Waxa aan marna midnimo jirteen, haddaan raga iyo dumarka damaca siyaasadeed leh ee tartanka galey ahayn duul danta guud ee xisbiga iyo qaranku kaga weyn yahay tood shakhsiga ah. Waana sharaf xisbigu leeyahay, inay hoggaanka doontaan duul dareenkaas iyo aragtidaas nafti-hurinnimo ku sifoobay.

Waxa hubaal ah ragga ay ka midka yihiin Dr. Axmed Xuseen Ciise, Eng. Saylici, Maxamed Xaji Maxamuud, Dr. Aarre iyo dhammaan intii tartanka ku jirtay inay ka qaateen qayb lexaad leh sidii waxwalba laga horreysiin lahaa midnimda iyo wadajirka xisbiga. Waa rag yaqaan sunnaha dimuquraadiyadda, garanaaya in tartanku yahay marxalad laga gudbo, asalkuna yahay gool-dhalinta xisbiga. Waxay muujiyeen in Kulmiye u bislaaday inay is-dhaliilaan, doodaan, kala shiraan, kala dudaan, iyagoon marna wiiqeen miisaanka xisbiga. Waxay xaqiijiyeen inay u bislaadeen in loolanka, lagdinka, iyo tartankuba aanu dhaafeen garoonka Kulmiye. Waxay taasi ka dhigtay ciddii fashilka shirka ka dhowr-sugaysay inay hungoobaan oo gacmaha iyo madaxu isku-dhegaan.

Shirkii Kulmiye ooy ku weheliyeen xubno-sharafeed ka socda Hay’adaha dawladda , NGOs, Qaramada Midoobey, Safaaradaha, Xisbiyada Qaranka, Warbaahinta, iyo Barlamaanka Yurub, waxuu kor u qaaday magaca qaranka Soomaliland. Waxaaba la odhan karaa inay noqotay arrin dadweynaha mandadaqaddu guud ahaan ku faanaan, si gaar ahana ugu diirsadaan inta magaca Soomali wadaagta, ooy noqoto mid ay hiigsadaan, xoojisaynay qiimeenta naftooda iyo dareenkooda ummadeed.

Hoggaanka xisbiga ee la doortay ma aha mid ku kooban qof, laba amba afar. Waxaa loo igmaday Golaha Dhexe ee 170ka ah, Gole Hoosaadka ka soo dhex bixi doonaa ee Fulinta ilaa Guddoomiyaha. Mid waliba waxa uu leeyahay awooddiisa sharciyeysan. Waxa xilalka leysugu magacaabay, waa in la helo hab lagu kala dambeeyo oo hawsha dhextaal loo guto. Waxa guusha lagu heli karaa marka dhammaantood qof waliba xilka loo igmaday uu hagar la’aan iyo daacadnimo u wado, oon leysku eegin, loona kala tegin.

Waana himmilada qancisay ciddii tartantay, waana tan tartamayaashii ay isu haneeyeen, isku bogaadiyeen, iskuna hanbalyeeyeen. Waa tan keentay inuu colka guulaystay mid waliba ku qanco xilka uu tuurta u ritay. Waana iyada tan Zaylici, Talyanle, Ina Cabdiqaadir iyo Ina Biixi ku qanceen Ma aha xisbi keli-talis, ma aha mid madax keliye ka taliyo, waa mid sharci lagu maamulo, masuul walba xad, xuquuq iyo awood leeyahay, guushana ay ku gaadhi karaan wadajir , is-qadarin, kala dambeyn iyo niyadsan. Marna ma lihi qalad iyo gol-daloolo ma jirin, waayo innaga habkani wuu inaguba cusubyee, waxa qaladaad badan laga sheegaa habka ay ku dhaqmaan dalalka ay ka mid yihiin USA iyo UK. Mana lihi ma jiraan cid wax tabanaysaa. Waxa se runtu tahay in aqlabiyad aad u sareysa oon laga helin dunida inteeda badan, ay ku qanceen intii Shirka joogtay iyo inta ka maqnayd ee Kulmiye ku abtirsataaba. Taas ayaa laabta u xaadhay intii wax gocanaysay. Sideedaba dimuquradiyaddu waa tartan, dood, wada-tashi, fikrado kala-duwan iyo hadaf mideysan oo joogta ah. Mana ah wax joogta ah ee kolba qof amba koox ayaa ku guuleysanaysa in fikiroodu noqdo kan qanciya aqlabiyadda, ee lagu go,aan qaato. Meesha aan qaybsanaanta noocaas ihi ka jirini waa meel ka fog nidaamka dimuquraadiga.
Haddaba iyada oo UDUB waayey cid xerada Kulmiye ka soo booda, waxa la soo weriyey inuu shacbi isagu jira odayaal iyo dhalinyaro ugu yeedhay shir ay la yeeshaan wasiiro, iyagoo u sawiraayey inay yihiin dar Kulmiye ka soo baxay bal akhri halkan waxa ay ka qortay Jariidada Geeska Afrika ee ka soo baxda Hargeysa.

Xisbiga Udub Oo Ay Wadhi Ka Raacday Dad Ay Ku Sheegeen Inay Kulmiye Ka Soo Baxeen Oo Iyagiina Beeniyay
April 2nd, 2008

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga xukuumiga ah ee UDUB ayaa shalay ku ceeboobay xaflad loo sameeyay dad tiro badan oo ay masuuliyiin xisbiga ka tirsani sheegeen inay ka soo baxeen xisbiga KULMIYE, balse iyagu beeniyay inay yihiin dad ka soo baxay xisbiga KULMIYE kuna biiraya xisbiga UDUB….

Masuuliyiinta xisbiga UDUB ayaa shalay xarunta xisbigasi ee Hargeysa ku qabtay xaflad ballaadhan oo loo sameeyay dad tiro badan oo ay sheegeen inay ka soo baxeen xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE islamarkaana ku biirayaan xisbiga xukuumiga ah ee UDUB. Hase yeeshe dadkii madasha joogay ee xafladda loo sameeyay ayaa mar qudha isla oogsaday buuq iyo qaylo, iyagoo ku dooday inaanay ahayn dad ku soo biiray xisbiga UDUB oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE. Guddoomiyaha nabadgelyada iyo difaaca ee xisbiga UDUB Cabdillaahi Caray Jaamac, oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi, “Marka laba qolo isku soo biirto ama isa soo ag degto, waxa la yidhaahdaa walaal maxaan kaa dhowraa, wuxuu ninkii kaga jawaabay wixii adiga lagaa dhowraa anigana la’iga dhowraa, markaa wixii idinku xumaa anana way nagu xun yihiin, waxaanu idinka dhowraynaa wax Alaale wixii idinku xun, waxaanu idinku soo dhawaynaynaa xisbi xor ah oo xalaala oo aan la kala lahayn, oo aan lahayn hebelbaa aasaasay iyo maantuu bilaabmay, markaa maanta waxaan idiinku mahad naqayaa haddii aad Kulmiye kasoo baxdeen haddii aad Maskaxdiina ka shaqaysiiseen, haddii aad istidhaahdeen horumarkii iyo wanaagii, nabadii iyo walaalnimadii xagay idinka xigtaa, oo aad garateen inay xaga UDUB idinka xigto waad ku mahadsan tihiin.” Oday Axmed Maxamuud Ibrahim Oday Axmed Maxamuud Ibrahim, oo ka mid ahaa dadkii masuuliyiinta KULMIYE ku sheegeen inay ka soo baxeen KULMIYE, ayaa hadalkaas masuulka UDUB ka soo yeedhay ka cadhooday, waxaanu yidhi, “Waaryaa, kamaanaan soo bixin Kulmiye, xaafad baanu nahay loo yeedhay, wixii lanoogu yeedhay lanooma sheegin, hanagu odhanin Kulmiyay ka soo baxeen. Waxa la yidhi Wasiirka Arimaha gudaha ayaa idiin yeedhay, markaa Wasiirkii noo yeedhayna ma joogo, markaa waxaanu ogaanay in xisbiga UDUB dhexdiisa la nooga yeedhay, Wasiir noo yeedhayna aanu jirin, sidaa daradeed anagu anagoo aan xisbina ku jirin, marka Doorashada la galayo ayuun baa dadka wax qabadka la xusuusiyay, mar kale waxba lama qabto ee ninku meeshuu doonayay gaadho, markaa haddii aanu nahay xaafada Lixle, qoladii na afgarata ee aanu isfahamno ayuun baanu u tumi doonaa, una codayn doonaa, halgami doonaana, sidaa daraadeed codkan halkan la nagu keenay iyada sida uu u dhisan yahay iskumaanaan ogayn wax aanu ku nimidna ma ahayn, markaa waxaan ka xanaaqay anaga oo aan Kulmiye ka soo bixin ayaa la nagu yidhi Kulmiyay ka soo baxeen, markaa anaga Kulmiyana la nagu dhufan maayo, xisbi kalana la nagu dhufan maayo, Kulmiyana kamaanaan soo bixin.” Fakashadii Wasiirka Daakhiliga Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ka mid ahaa masuuliyiintii xafladaas lagu soo casuumay ayaa si sibiq ah halkaas uga baxay. Lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay inuu Wasiirku ka baxo xafladaas lagu soo casuumay. Hase yeeshe qaar ka mid ah dadkii xafladda joogay ayaa tilmaamayay in Wasiirku xafladda ka baxay ka dib markii uu dareemay dhabaqa ku soo fool leh xafladda.

Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa…

Aan u gudbo mawduuc kale oo muhiim ah. Xukuumadda oo ay ahayd inay ku tartanto waxqabadkeeda, illeyn waxa shacbigu siiyey fursad aan mucaaridku haysan ooy isku muujin karaan, ayaa u muuqata mid door bidday inay labanlaabto tirada goballada, kuna salayso qabyaalad kala qoqobta beelahii gobal-wadaag ahaa, oo yareysa wadajirka iyo walaalnimada looga baahan yahay beelo dal-wadaag ah. Waxa gobaladan qabyaladeysani ay isbarbar dhigeen goballo iyo degmooyin aan isku miisan ahayn. Waxayna u eegyihiin qaar meelo xaq u leh oo shuruud kasta ka soo baxay lagu carqaladeenaayo. Waxaad ogaataa in 20 ku dhowaad degmo oo horre loo ansixiyey ooy ku jiraan qaar doorashooyinkii hore ka dhaceen, aan weli loo samayn xuduud. Sidaas darted waxaa garaadka fayoobi inoo sheegayaa inayna dhaafsanayn ereyo warqad ku qoran, iyo indhosarcaad ololaysan Hase yeeshee waa amuur dhalinaysa qaybsanaan iyo muran, waana tan ay bilaabantay baaqyada iyo qaylada beelahii nabadda ahaa.

Arrintan oo Awdalnews wax ka qortay, ayaan idiin tilmaamayaa .Waa maqaal wadaniyad iyo aqooni ka muuqato, una baahan in cid kasta oo akhrisataa wax ku qaadato si aynu u dhisno Soomaliland oo wadajirta, loo siman yahay, horumar tacliineed, caafimaad iyo bulsho hiigsata. Soomaliland leh xukuumad shacbiga u adeegta, sharciga dhowrta, oo ka baxda xukuumad shacbiga yeelata. Aan idiin soo qadimo maqaalka sawirka runta ah ka bixinaaya xaaladda dalka iyo wax-qabadka xukuumadda fadlan guji (Ctrl+Click) Awdalnews amba booqo www.Awdalnews.com editorial, kuna qoran dhinaca bidix, koonaha ugu sareeya. Maqaalka oo cinwaankiisu yahay ( Rayale’s Republic of Clanistan ) akhris wanaagsan oo maskaxdaada iyo qalbigaaga u furo xaqiiqda ka jirta dalkaaga.

Ku dadaal inaad hesho xaqiiqda dalka ka jirta, ogowna inaynu dalka wada leenahay, cidna marti ku ahayn, danta guudna lagu gaadhi karo gacmo wadajira, iyo cadaalad. Ogow xukuumaddu inay tahay shaqaalaha shacbiga, xaqna aynu u leenahay la-xisaabtankooda, canaantooda, dhaliishooda iyo erigoodaba. Ma aha marka ay hawshii aynu u dhiibanay gudan waayaan inay lacagteena inagu laaluushaan. Waa nacasnimo tan ugu hooseysa in xoolahaaga lagugu laaluusho.
Xukuumad, shacbi, muxaafid iyo mucaaradba aynu dhowrno xaqa qofwaliba u leeyahay inuu fikirkiisa cabiro iyo inuu cabsi la,aan kaalintiisa siyaasi iyo bulsho ka qaato dhismaha dalka.
Guusha xisbiyadu gaadhaan waa guul qaran oo wanaagoodu dhammaan ina saameynaayo.Aan Kulmiye ku hanbalyeyno sida wacan ee ay shirweynaha u abaabuleen, sida dimuquraadiga ah ee daaha furan ay u tartameen, isla markaas aynu u rajeyno in kuwa kalena laga helo Gole furan oo wax kasta oo la soo dhammeeyey, haddana lagaga dhawaaqo yaa jago hebel u tartamaaya oo cid kasta oo Golaha ku jirtaa xaq u leedahay tartanka, deedna codbixin aan qarsoonayn lagu kala baxo. Habka shirkani u dhacay waa cabbir shir kasta oo xisbi sameeyo lagu qiimeyn doono. Waxaan u rajeynayaa in UDUB qabto shirkan oo kale, si mustawaha dalkeena ee xisbiyeed kor ugu kaco, oo qarankoo dhami ku faano, mucaarid iyo muxaafidba.

Guul iyo Mahad Alle
Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com

No comments: