Thursday, January 01, 2009

Shirweynihii UDUB oo si qarsoodiya loo qabanayo

(Waridaad)-Shirweynihii UDUB oo si qarsoodiya loo qabanayo iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo keligood isa soo sharaxay

Warar lagu kalsoonyahay oo aanu hadda ka helnay xubno sare oo ka tirsan xisbul xaakimka UDUB iyo madaxtooyadaba ayaa noo xaqiijiyey in si hoos ahaan ah loo qaybiyey kaadhadhkii casuumadda ee shirweynaha xisbiga UDUB.

Taasoo madaxweynuhu uu sheegay inuu uu keligii u sharaxanyahay jagada madaxweyne nimada, Axmed Yuusuf Yaasiin-na ku xigeenka.

Madaxweyne Riyaale waa madaxweynihii Somaliland, waana gudoomiyihii xisbiga UDUB, waana musharaxa Madaxweynahay ee xisbiga UDUB, isagaana ka shir guddoon ah, hadaba akhristow ma haboontahay inaad ninkaa la tartami lahayd, yaa loo dhiibayaa form-amka musharaxiinta.
Waxay arintani ay ceeb ku tahay dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanay ka soo horjeedaa xeerarka xisbiga UDUB iyo distoorka Somaliland-ba. Taasoo uu dhigayo xeerka UDUB in marka shirweyne la qabanayo la magacaabo guddi qabanqaabo oo madax banaan oo shaacisa mudada shirka la qabanayo, madasha iyo qaabka ay u dhacayso doorashada xisbiga dhexdiisu, taasoo xeerku dhigayo in si sinaan ah loogu tartamo jagooyinka xisbiga oo ay ka midyihiin cidda isu soo taagi doonta jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku xigeenku.

Waxa muuqata in Madaxweynuhu uu ku kacayo fal aan raali laga noqon doonin oo horseedi kara burburka xisbiga UDUB oo dhaawac weyn u geysan doona geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Hadaba ma haboontahay wakhtigan xaadirka ee siyaasadda mandaqadu ay qasantahay in uu madaxweynuhu ku kaco falal abuuri kara iska hor imaad ka dhex dhaca xisbiga dhexdiisa.

Muuse Ahmed Abdi
Hargeisa - Somaliland
muuse2009@hotmail.co.uk

No comments: