Tuesday, January 06, 2009

Awdaleey Raalli Noqo.!

(Waridaad)-Anigoo ku hadlaya magacayga shaqsi ahaaneed, waxan xaal marinayaa magaca Awdal, maadaama uu noqday magac la galiyay murame iyo maadba.
Baaqyadii dhawaan kasoo baxay dadka sheegtay qurba jooga ama guri jooga reer Awdal , ee ku wajahnaa diwaan galinta wajaqaha qabta ee wadanka ka dhacday. Iyo jawaabihii laga bixiyay baaqyadaasi intuba maslaxad uma samayn, caddaaladna umaysan sugin sharafta iyo karaamada Awdal.

Qofku iskii wuu u hadli karaa oo waa dareen shaqsi iyo fikradiisa, taasina waligeedba waxay ahayd mid soo jireen ah mana aha midda dhibaatada abuurtay. Balse marka la qorayo baaq loo dhan yahay oo koox ka socda, waxa loo baahanyahay in waxyaabo badan laysla eego. Waxa jira hannaan loo qoro baaqyada, looguna gudbiyo dadka ay khusayo iyo hannaan loo soo bandhigo baaqyadaasba.

Tusaale; waxa isoo gaadhay nuqul ka mid ahaa baaqii ugu horreeyay ee laga soo diray North America, ahaana baaqii lagu wada dayday ee layska soo wada xigtay. Anigu baaqaas iyo kuwii la midka ahaaba ma soo galin shabakadahayga (hiildan.org iyo allboon.com) midkoodna. Haddii an dhan walba ka eegay baaqa laga soo qoray North America (1st January 09) ee uu ku saxeexnaa ninka la magac baxay xasan-khadar, anigu kaasi kuma sheegi karayn baaq, maxaa yeelay:............................Guji Halkan

Xigasho: http://hiildan.org/

No comments: