Monday, January 05, 2009

Waraaqihii Gabi Ahaanba Way Ka Go’een Goobihii Diiwaangelinta Ee War’idaad, Komishankana Waxaa La Gudboon Inay Xilka Iska Casilaan”

(Waridaad)-Mudane Faarax Maxamuud Cabdule (Faarax Dheere) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee xibiga UCID laga soo doortay ayaa sheegay in waraaqihii aqoonsiga muwaadinimo iyo kaadhahkii codbixintuba ay ka go’een degmada war’idaad iyo deegaanada hoos yimaada oo ka tirsan gobolka Saraar, taas oo uu tilmaamay in shalay duhurkii gabi ahaanba waraaqaha diiwaangelintu ay ka go’een, isla markaana sheegay inaan komishanka doorashooyinku aanay ilaa hadda soo gaadhsiinin waraaqihii lagu diiwaangelinayey dadweynaha, isagoo dhinaca kalana komishanka doorashooyinka ku eedeeyey inay ku guuldaraysteen kormeerka goobaha ay diiwaangelintu ka socdaan iyo goobaha ay waraaquhu ka go’een, una soo jeediyey in komishanka Doorashooyinku ay xilka iska casilaan.

Mudane Faarax Maxamuud Cabdule oo wargeyska Haatuf khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shalay galab isagoo jooga xarunta degmada Waridaad oo ah goobta badha Somaliland oo uu saddexdii maalmood ee u dambeeyey ee ay diiwaangelintu ka socotay gobolka Sool uu ku sugnaa ayaa isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ degmada War’idaad oo ka tirsan gobolka Saraar ee xaruntiisu tahay degmada Caynabo isla markaana ah meesha badhtamaha u ah jamhuuriyada Somaliland oo ay hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu ka bilaabantay labadii January,2009 ee jimcihii ayaa mudadii labada maalmood ahayd ee hore waxay diiwaangelintu u socotay si habsami ah, nasiib darase shalay casarkii ayey dadkii oo safafka ugu jira sidii ay isku diiwaangelin lahaayeen ayaa waxaa dhacay in waraaqihii aqoonsiga iyo codbixinta ee loogu talogalay bulshada ku dhaqan deegaankaasi ay gabi ahaanba go’een, taas oo hawlihii diiwaangelinta ay istaageen markii ay waraaquhu go’een, markii aanu aragnay in koormarayaal ka socda komishanka aanay gabi ahaanba aanay ku sugnayn deegaanadaasi, balse aanu la xidhiidhnay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood una sheegnay waraaqaha go’ay ilaa hadda wax jawaab ah nagumay soo celin komishanku, waraaqihiina sidii bay u go’an yihiin dadkuna sidii bay wali safafka u taagan yihiin, xilgabista komishanka doorashooyinka iyo daldaloolooyinka ka soo baxaya geedi socodka goobaha diiwaangelinta ee ay ka mid ka yihiin waraaqaha ka go’ay goobihii diiwaangelinta ee degmadan war’idaad ayaa waxaa hore u jiray in sidan oo kale diiwaangelintii gobolada Saaxil iyo Togdheer oo aanu hore goobjoog ugu soo ahaa ay sidan oo kale waraaquhu uga go’ayeen, iyadoo aanay habayaraatee aanay masuuliyiinta komishanka Doorashooyinka mudadii saddexda maalmood ahayd ee ay socotay hawsha Diiwaangelinta aany ka soo agwareegin goobaha ay ka socotay hawsha diiwaangelintu, sidaa darteed waxaan halkan baaq uga jeedinayaa inay komishanka doorashooyinku maadaama ay ku fail garoobeen dhaliilaha soo jiitamayey ee waraaqaha diiwaangelinta waa inay xilka iska casilaan inta aaay barito ummada fooda isku galinin, ilayn haddii ay tahri kari waayeen dadka diiwaangelintoodii oo kaliya ma waxay awood u yeelan karaan inay natiijada codbixintana ku dhawaaqaan” ayuu yidhi.

Mar aanu waydiinay tirade goobaha diiwaangelinta ee ay waraquhu ka go’een intay yihiin waxaa uu ku jawaabay “ ilaa hadda waxaan si rasmi ah u hayaa, in shan goobood oo ka mid ah degmada War’idaad ay gabi ahaanba waraaqihii diiwaangelinta ka go’een oo aanay wax hawl ahi ka soconin, dadkuna ay ilaa hadda safafkii ugu jiraan inay is diiwaangeliyaan, balse waraaqihii oo go’ay awgood ayey hawshii diiwaangelintu u taagan tahay”

Xigasho: Haatuf.net

No comments: