Saturday, January 03, 2009

Labo kamid ah saraakiisha Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool oo saaka lagu toogtay Degaanka Widhwid

(Waridaad)- Waxaa saaka lagu toogtay deegaanka Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle labo kamid ah saraakiisha militery-ga ee Somaliland kuna sugan Gobolka Sool kuwaas oo halkaasi u joogay inay amniga goobtaasi sugaan oo la la filayo inay ka dhacdo diiwaan gelinta Somaliland ee deegaankaasi.

Mar aan wax ka waydiinay sarkaal ka tirsan saraakiisha militery-ga ee Gobolka Sool ayaa waxa uu si wayn u canbaareeyay falkaas isagoo ku tilmaamay midwaxashnimo ah sidoo kalena u tacsiyeeyay saraakiisha halkaasi ku geeriyootay isagoo ku tilmaamay inuu falkaasi u dhacay si lama filaan ah.

Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa waxa uu sheegay in saraakiisha halkaasi ku geeri yootay loo galay meel wado ah laguna furay tacshiirad aysana jirijn dagaal dhex maray labo dhinac isagoo intaasi ku daray in lagu dabo jiro cidii falkaasi ka danbaysay ayna ciidamadu hadda baadi goob ugu jiraan sidii ay usoo qaban lahaayeen.

Sidoo kale mar aan wax ka waydiinay inay ciidamadu hadda ku sugan yihiin iyo in kale ayaa waxa uu sheegay inay ciidamadu ku sugan yihiin ayna diiwaan gelintu ka bilaabmayso amniga meeshuna uu caadi yahay falkaasina ahaa mid si kadis ah u dhacay ee uusan ahayn wax ka yimi shacabka deegaankaasi.

Hadaba Degmada Widhwih ee Gobolka Buuhoodle ayaa waxaa ka dhacay falkan lagu dilay labada sarkaal ee militery-ga Somaliland iyadoo uu falkani dhacay xilli ay goobtaasi ka bilaabmi lahayd isdiiwaan gelinta Somaliland ee deegaankaasi loogu talo galay iyadoo sidoo kale uu maanta ka anbabaxay magaalada Laascaanood Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Ismaaciil afmiishaar isagoo u anbabaxay deegaanka widhwidh.

Afnugaal News Desk

No comments: