Wednesday, January 28, 2009

Madaxtooyada oo la wareegtey lacag loogu deeqay Cusbitaalka Gebiley

(Waridaad)-Madaxtooyada Somaliland ayaa la wareegtay lacag gaadhaysa 470,000 kun oo dollar oo gudoomiyaha ururka bisha cas ee dalka Imaaratka carabta Sheekh Xamdaan Binu Saayid Alla nahiyaan ugu deeqay in cusbitaal casri ah loogu dhiso degmada Gabiley.Warkan oo aanu ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in lacagtan oo wakiil ka socday Sheekh Xamdaan Binu Saayid Alnahiyaan uu maalintii shalay dalka soo gaadhsiiyay, Madaxweyne Riyaalena uu ku amray inuu jeegii lacagtaasi ku qornayd ku wareejiyo xoghaynta gaarka ah ee xafiiska Madaxweynaha.

Ilahani waxa kale oo ay tilmaameen in deeqda lacagtani ka danbaysay dedaal shakhsi ah oo ay sameeyeen dad muwaadiniin ah, kuwaas oo iskood Sheekh Xamdaan uga dalbaday inuu ka caawiyo dhismaha cusbitaalka Magaaladda Gabiley. Lacagtan tabaruca ah ee uu soo bixiyay Sheekh Xamdaan ayaa la sheegay in loogu tala galay in dhisme laba dabaq ah iyo qalabkiisi lagaga hirgaliyo cusbitaalka Gabiley, hase ahaatee waxa warar xogogaal ahii sheegeen in qayb ka mid ah lacagtan lagu wareejiyay NGO madaxtooyadu leedahay oo lagu magacaabo Hop Vision constarction kaas oo qandaraas lagu siiyay inuu dayactir kooban ku sameeyo cusbitaalka degmada Gabiley ee hada jira iyadoo inta kale ee lacagtaasna la rumaysan yahay in madaxweyne Riyaale rabo inuu uga faa’iidaysto ololaha doorashadda madaxtooyada. Waxa kale oo la sheegay in madaxweyne Riyaale damacsan yahay inuu casuumo qaar ka mid ah odayaasha.

Axmed Maxamed Saleebaan,

Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: