Sunday, April 19, 2009

DACWO KA DHAN AH NINKA LA YIDHAAHDO MAXAMAD XUSEEN KHALIIF

(Waridaad)- XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND KULMIYE
REF:XK/XG/103/09
Date: 19/04/2009

KU: Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka JSL Hargeysa
OG: Maxkamadda Gobolka Hargeysa
“ Taliska Ciidanka Booliska JSL Hargeysa
“ Golaha Wakiilada JSL Hargeysa
“ Golaha Guurtida JSL Hargeysa


UJEEDO:- DACWO KA DHAN AH NINKA LA YIDHAAHDO
MAXAMAD XUSEEN KHALIIF

Waxaanu la socodsiinaynaa Xeer Ilaalinta Guud in ninka la yidhaahdo Maxamed Xuseen Khaliif uu rasaas ku riday madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo isu soo bax salmiya ka samaynayey xafiiskooda hortiisa taariikhda 13 April 2009.

Ninkaasi oo horseed ka ahaa shirqool lagu damacsanaa in lagu dilo qaar kamida masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye waxaa gacanta ku dhigay ciidamda booliska ee goobta ku sugnaa waxaana loo gudbiyey Xarunta Danbibaadhista ee C.I.D. ee Hargeysa, iyadoo aanu filaynay in baadhis lagu sameeyo dhacdadaasi iyo ciddii ka danbeysay shirqoolkani.

Waxaanu muddo yar kadib ogaanay in la sii daayey eedaysanahaasi, iyadoon dembigaas aan la baadhin oo wax la nala weydiiyey aanu jirin iyo iyadoo la hayo markhaatiyaashii goobjooga ahaa.

Xeer-ilaaliyaha Guud waxaa kaloo aanu la socodsiinaynaa, inuu falkani ahaa mid abaabulan oo lasoo qorsheeyey marka laga eego qaabka uu u dhacay iyo sida fudud ee loo sii daayey eedaysanaha.

Hadaba waxaanu ka codsanaynaa Xeerilaalinta:-

1. In marka hore lasoo qabto eedaysanaha
2. In loo saaro guddi madax bannaan oo heer qarana oo baadhitaan ku samaysa falkani.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

AXMAD MAXAMD SIILAAYO

GUDDOOMIYAHA XISBIGA

No comments: