Sunday, April 19, 2009

Qorshe loogu magacaabayo Taliyaha Cusub ee Ciidamada Qaranka Somaliland Muj: Axmed Mire Maxamed

(Waridaad)-Qorshe loogu magacaabayo Taliyaha Cusub ee Ciidamada Qaranka Somaliland Muj,Axmed Mire Maxamed oo soo gebagebowday Iyo Riyaale oo Xilka ka Qaadaya Taliye Gen Nuux Taani .

Waxaanu aad uga walbahaarsanahay qorshayaasha ay wadaan Koox ay maalgaliyaan Daahir Rayaale Kaahin Iyo Xuseen Cali Ducaale(Cawil) lagu hayo shacbiga Somaliland oo ayaan daradaradu ku habsatay , may ahayn maanta in la raadiyo Masuuliyiin debadaha jooga oo lagu soo xusho inay fuliyaan qorshayaal dhagaraysan oo aan dan u ahayn Umadda Somaliland .

Hadaba waxaa jirey beryahan Wadahadalo u socday kadib markii ay bilihii tagay ay si qarsoon ay u kulmeen Muj Axmed Mire iyo Daahir Riyaale ,kulamadan oo 2jeer ahaa ayaa salka ku hayey Kulamo hore oo Muj Axmed Mire iyo Koox ka socotay Daahir Riyaale Iyo Xuseen Cali Ducaale (Cawil) waxaana hawsha qayb lixaadle ku lahaa Cismaan Jaamac Cali (Cismaan kaluun )oo isagu ah odayaasha Aadka u aaminsan Federaalka iyo arimahaa aan danta u ahayn Somaliland , wadahadaladan ayaa soo maray qaabab kala duwan aakhirkiina waxaa lagu soo gebagebeeyey in ay si toosa isu arkaan Daahir Riyaale Iyo Muj Axmed Mire Booqashadii ugu danbaysay ee sanadkan London, waxay qaadatay 5sacadood kulankoodii u horeeyey.

Wadahadaladan dhexmaray Daahir Rayaale Iyo Muj,Axmed Mire Iyo 2ba ka mida gudida loo qaybiyey oo goobjoog ka ahaa Cismaan Jaamac cali (Kaluun) Iyo ninka Xoghayaha Guud ee Udub u ah iminka jamac Yaasiin ,ayaa Riyaale waxaa Codsigiisu uu ahaa oo ku biyo shubanayey una soo jeediyey Muj, Axmed Mire … In aad ku soo biirto Muj Axmed Mirew dowlada oo maanta si adag aanu kuugu baahanahay , waxuu u sheegay mujaahid mire Riyaale in uu aqbalay oo aanu waxba ka qabin arintaa oo aanu odayaashii hore ee aad ii soo dirteen ayuu yidhi aanu iska aragnay lakiin waxaa jira duruufo aniga gaar ii ah oo haddii la helo ay suurtagaltahay taageeradeedu qorshahaa aad wadataan taas oo ka koobnayd 2ba qodob mid ku saabsan dhaqaale iyo mid ku xidhnayd in jagada taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Lay magacaabo .Sidoo kale Axmed Mire ayaa isaga laftiisu kulamo ay albaabadu u xidhan yihiin la lahaa beryihii hore oo dhan mudanayaal taageersan qorshahan oo uu ka midyahay Cismaan Kaluun iyo qaar kale oo beeshiisa ka soo jeeda ,iyadoo talifoono badan ay kula xidheen Cawil Cali Ducaale Iyo Siiciid Sulub Maxamed aakhirkiina ay isku afgarteen in arinkan laga miro dhaliyo , kaasoo ay kaga hadleen in khilaafka u dhexeeya iyaga dhexdooda.

layska ilaawo oo ku saabsan maaliyad waqti hore si kale loo maareeyey oo khilaafku ka dhashay oo aakhirkiina laysku afgartay in bug cusub loo furo Siyaasiyiinta Beesha, si aanay u lumin hadafka ujeedada ay hiigsanayaan ee mustaqbalkooda.

Wararkan oo aad loogu kalsoonyahay oo laga helay ilo aad ugu dhow Muj,Axmed Mire iyo Cismaan Jaamac Cali (Kaluun) oo laga soo xigtay xarunta dalka ingiriiska oo deganyihiin Cismaan kaluun Iyo Mujaahidku kuna suganyihiin ayaa sheegay in uu iminka shandadiisu ay u xidhxidhantahay Muj Axmed Mire , isagoo dad ku dhow muj Axmed u sheegay in Reerkiisiina uu dejiyey Magaalada Shaariga u,a,e ,dhaqaalihiina uu ku helay qorshahana uu ku gatay guri, 2hurdo ah oo ku yaala xaafad ka mida galbeedka London oo ay ka soo baxayaan kharashaadka loo baahanyahay waa sida uu sheegaye'e.

waxaana dadka siyaasada indha indheeyaa ay sheegeen haddii xiligan Axmed Mire loo magacaabo Taliyaha Ciidamada ay taasi dhaawac u geysanayso Siyaasada Somaliland iyo in laga yaabo in la saadaalinayo magacaabidiisu inay xasuulooni-daro ka abuurto Xaalada Nabadgelyo dalka iyo kalsoonida ciidamadu ay ku qabaan taliyaha iminka Gen Nuux Ismaciil Taani oo ah mid aad weyn.
Mujaahid Axmed Mire Maxamed waxa uu ka mid ahaa saraakiishii waaweynaa ee ururkii SNM,
markii danbe tageeray Siyaasadii Fedaraalka ee Somalia oo ay Muqdisho ku sugnayeen mudo farabadan oo uu ku jirey madaxdii siyaasada fedaraaldoonka aaminsanaa ee ay madaxmartay , markii danbe waxuu deganaa oo ku noolaa kuna sugan yahay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Riyaale ayaa la filayaa in marka uu ka dego Hargeysa Muj Axmed Mire in uu ku dhawaaqo xil ka qadistiisa Jen. Taani , ka dibna uu si degdega u magacaabo Taliyahan Cusub ee Col Axmed Mire, Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxweyne Rayaale ay miiska u saaran yihiin inuu xilkaas u magacaabo Muj, Axmed Mire oo ay aad si weyn isugu dhowayeen Madaxweynihii u Horeeyey ee Somaliland Marxuun Cabdiraxman Axmed Cali Iyo Cismaan Jaamac Cali (Kaluun).

Allaa Mahad Iska Leh

Nuux Xaamud London, United Kingdom.

No comments: