Thursday, April 16, 2009

Suldaan Moxamedow Dulmiga Ayaa La Iskugu Tegayaa ee Beel La Iskuguma Tegayo

(Waridaad)-Dagaale sokeeye, si kastaba haw bilowdo, cid kastaba gardarrada ha la haato, waa dhacaa, dhibaato waa keenaa waase laga heshiiyaa dabadeedna laga bogsadaa. Somaliland waxaa beryahan ka soo dhexbaxay madax dhaqan iyo siyaasiyiin taageersan Maamulka Daahir Riyaale oo halkii ay wanaag iyo maslaxad guud ka talinlahaayeen durbaan colaad sokeeye tumaya iyaga oo goconaya dhibaato hore u dhacday oo laga bogsaday. Hibashada xun ee noocan oo kale ah taariikhda dhaqanka iyo xeerarka Somaliland laguma yaqaan oo waa la iska ilaashaa wacad-furka iyo ballan-furkaba.

Suldaan Moxamed Suldan Cabdilqadir oo ah madax dhaqameed taageera Dahir Riyaale waxaa uu dhawaan ku dhawaaqay bishan April 5dii, 2009 in la iskugu tago gacan bir ahna lagu qabto beesha ka soo horjeesata dastuurka iyo nabadgelyada dalka. Ummadda Somaliland hadalkaas si weyn ayay u diiday waxaase u riyaaqay Daahir Riyaale iyo kooxda u adeegta. Waxaa kale oo Suldaanku sheegay in 11 beelood oo Somaliland ah ay iskugu tageen beeshiisa sanadkii 1994.

Suldaan Moxamadow ma jirto beel Somaliland ah oo diidan dastuurka iyo nabadgelyada dalka. Waxaa ummadda Somaliland diidantahay kana soo horjeedaa kelitalisnimada Daahir Riyaale ee ujeedadeedu tahay la dagaallanka sumcadda, madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland. Waa Daahir Riyaale ninka ka soo horjeeda dastuurka ee awoodda dalka oo dhan booba ee yidhaahda wax kastaa aniga ayay iga fulaan igana go`aan sida macallinkiisii Siyaad Barre, waa Daahir Riyaale ninka dastuurka ka soo horjeeda ee diidan in doorasho laga qabto dalka ee markasta raba in loo sameeyo muddo kordhin sharcidarro ah isla markaana curyaamiya hawlaha loogu talo in lagu socodsiiyo qabashada doorashada. Waa Daahir Riyaale ninka ka dambeeya khalkhalgelinta nabadgelyada dalka ee amra in la dilo madaxda Xisbiga Kulmiye oo ah mujaahidiintii dadkooda iyo dalkooda ka badbaadshay qaran-jab iyo dhaxal-wareeg dhul oo uu isagu qayb weyn ka qaatay. Waa Daahir Riyaale ninka amra in rasaas lagu furo lana xidh-xidho dadka ka qaybgala banaanbaxyada salmiga ah ee ummaddu dhigto ee looga soo horjeedo xukunkiisa ku dhisan kelitalisnimada, dulmiga iyo dullinimada. Waa Daahir Riyaale ninka maleega isku-gubka Beelaha Isaaqa isaga oo adeegsanaya kooxda uu dullaystay. Waa Daahir Riyaale ninka ku xidh-xidha siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, weriyayaasha iyo dhallinyarada maxaa uga soo horjeedaan kelitalisnimadayda, xadhigii u dambeeyayna kula kacay Suldaan Suleemaan Boqor Cismaan Xasan oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee Hargeysa. Waa Daahir Riyaale ninka ciidanka madaxtooyada iyo booliiska ku khalkhalgeliya shirarka Golayaasha Qaranka si uu u horjoogsado hawlaha qaranka.

Intaas oo dhibaato iyo dulmi ah intaad ka aamustay ayaa soo gocotay colaad laga bogsaday. Rasuulkii waxa uu yidhi, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, “Fitnadu waa hurudaa ee qofkii toosiya ha ku dhacdo nacdasha Eebbe.” Suldaanow taariikhda Somaliland laguma hayo 11 beelood oo Reer Somaliland ah oo intay shirtay ku duushay beeshaada. Haddii ay dhacday in maamulkii dalka ka jiray waagaas iyo beeshaada iska-horimaad ku dhexmaray Garoonka Diyaaradaha ee Hargeisa lagana bogsaday gar maaha inaad beelaysid arrinta. Ummaddu waxay dareensantahay in hadalkan aad ula jeedid laba mid uun. Waa midda koowaade, sababta aad beelaha ku weerarayso waxa weeye maxaad uga soo horjeedaan kelitalisnimada Daahir Riyaale si aad isku-dhaca Riyaale cumri dherer uga dhigto adna aad dano gaar ah ku fushatid. Waa midda labaade, waxaa suurtogal ah in Daahir Riyaale kuu adeegsanayo siyaasadiisa cusub ee uu hadda u guntaday ee ah iska-horkeenka Beelaha Iaaqa. Suldaan Moxamedow hadalkaaga xoqaya boogo laga bogsaday waxaad ku soo beegtay xilli Somaliland goob xun taallo oo iyadu kaaga baahan hiil badbaadin ee Suldaanow xaal weyn ka bixi hadalkaas fitnada huwan oo ka sii beeshaada aan geyin iyo ummaddaba. Waxaan kuu sheegayaa in maanta dulmiga iyo kelitalisnimada Daahir Riyaale la iskugu tegayo oo aan la iskugu tegeyn beel si ummaddu u badbaadiso sharafteeda iyo qaranimadeeda.

Waxaa iyana dhacday in Suldaan Raabbi Yuusuf Xiirey oo hore ugu tiraabay in beel ka mid ah Beelaha Somaliland ay ka baxdo magaalo-madaxda Somaliland,Hargeysa, sida ay isaga gaar u tahay uu bishan April 10dii, 2009 isna yidhi, “Waa in dawladda laga joojiyaa mudaaharaadka, haddii la joojinwaayo annaguna waxaanu ku mudaaharaadaynaa kuwa mudaaharaadaya.” Xiirayow hadaladaas aad ulajeedid taageerayaasha Xisbiga Kulmiye waa fidno ka talin aad iskaga horkeenayso dadweynaha Somaliland. Malaha waxaad kala saarila`dahay mudaaharaad (Protests) iyo banaanbax salmi ah oo dadku shucuurtooda ku muujiyo (Raally). Dhaliilidda siyaasadda dawladda iyo qabashada banaanbaxyada waa hubka ugu weyn ee mucaaradku adeegsado meel kasta adduunka, waa arrin dastuuri ah oo aan la diidikarin. Waxaan kuu sheegayaa xukunka Somaliland boqortooyo maaha, kelitalisnimana la yeelimaayo oo Afweynaba laga diid.

Dawladda beel iyo qof midna malaha ee waxaa leh ummadda iyadaana ilaashata. Haddii dawladdu xumaato, burburiso dastuurka dalka, khalkhalgeliso nabadgelyada, diido doorashada, ku-xad-gudubto xuquuqda muwaadiniinta, iska-horkeento ummadda, iskuna bedesho xukun ku dhisan dulmi iyo kelitalisnimo sida tii Siyaad Barre waa la toosinayaa, waa la dhaliilayaa, waa lagu banaanbaxayaa, haddii ay markaas is-bedeliweydo waxaa lagu ridaa xoog iyo kacdoon si ummaddu u badbaadiso mustaqbalkeeda iyo mustaqbalka ubadkeeda. Dadku waa xor waana mucaarad ama muxaafid, xaq baad u leedahay inaad u banaanbaxdo oo taageerto dulmiga iyo kelitalisnimada Dahir Riyaale in kasta oo ay tahay taariikh xumo laakiin xaq iyo awood midna uma lihid inaad canbaaraysid ama tidhaahdo joojiya banaanbaxyada ay dhigaan dadka taageersan Axsaabta Mucaaradka ee ka soo horjeeda kelitalisnimada iyo qaran-dumisnimada Daahir Riyaale. Kelitalisnimo haddaan ummaddu diidin waxay ku noolaataa dullinimo, dib-u-dhac iyo kadeed joogta ah.

Midna aan idhaahdo Faysal Cali Waraabe. Faysalow waxaad guddoomiye u tahay xisbi mucaarad ah oo weyn (UCID). Muxaafidnimada iyo mucaaradnimaduna waa kala caddahay oo midna waa xukun jira ammaanid midna waa xukun jira dhaliilid. Waxaad moodaa inaad la dagaallamaysid mucaaradnimadaada waayo ma lihid mowqif laguugu soo hagaago. Waxaa lagaa filayay inaad mar kasta dhaliisho siyaasadda gurracan ee Daahir Riyaale ku maamulo dalka oo aad muujiso inaad siyaasad ka wanaagsan ta maanta jirta aad dalka ku hoggaamindoonto haddii lagu doorto sidaad u soo jiidato quluubta iyo maskada shacabka oo ay dabadeed ku doortaan taas oo ah nuxurka mucaaradnimada. Faysalow maalin waxaad la safantahay kelitalisnimada Riyaale maalina waxaad la safantahay mucaaradka. Xisbiga UCID waxa uu mucaarad ku noqday Xisbiga Kulmiye halka uu xukunka jira ku noqonlahaa mucaarad. Ummaddu meel ay maanta kuugu soo hagaagto oo kugu aaminto garanmayso waana nasiib-darro weyn oo aad u soo jiiday Xisbiga UCID. Waxaad maalmahan dhaliishaa banaanbaxyada Xisbiga Kulmiye taasuna waxay gacan siinaysaa kelitalisnimada Daahir Riyaal waxaanad jebisay mid ka mid ah hubabka ugu waaweyn ee mucaaradku ku dagaallamo taas oo ah banaanbaxyo salmi oo ay ku muujiyaan mowqifkooda siyaasadeed ee ka soo horjeeda siyaasadda dawladda. Muddo kordhinta sharcidarrada ah ee loo sameeyo Riyaale marna waad taageertaa marna waad diidaa.

Faysalow maxaa laguugu soo hagaagaa? Ma xisbi qaran oo mucaarad ah, ma xisbi beel, ma muxaafid. Waa hubaal in rag badan oo xisbigaaga ku jiraa ahna mucaarad dhab ah ay ka biyo-diidsanyihiin siyaasadaada wejiyo-badan. Waxaan kugula talinlahaa in guddoonka Xisbiga UCID aad ku wareejiso dadka badan ee xisbiga ku jira ee mucaaradnimadu dhab ka tahay ama si weyn aad u bedashid siyaasadaada oo muujiso mucaaradnimo dhab ah. Mucaaradnimo waa laga ilaashaa baalixooftada, is-tuska, lab-la-kaca iyo is-bedelka badan. Waxay u baahantahay mowqif siyaasadeed oo qeexan (Defined Strategy and Target) kuna salaysan ka turjimidda iyo u adeegidda danta iyo maslaxadda ummadda.

Waxaa ummaddu awalba la yaabanayd siyaasadda ku salaysan naxliga, kala qaybinta iyo isku-dirka beelaha ee ay ku dhaqmaan Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Saciid Sulub Moxamed, Yusuf Ciise Tallaabo iyo Jaamac Yaasiin (Jug-So Dhacay). Todobadan mas`uul oo ka kooban madax dhaqan iyo madax dawladeed kana dhashay beesha sharafta leh ee Gar-xejis waxaad moodaa in hadalada ah fitnada iyo aflagaadada ee ku wajahan isku-dirka Beelaha Isaaqa uu Daahir Riyaale shir uga soo dhiibo waayo waa arrin ay kaga duwanyihiin kooxaaha kale ee u adeega Daahir Riyaale. Kooxdanu waxay farriin khaldan oo gef ah ka diraysaa mowqifka Gar-xejis una turjumaysaa in beeshu taageersantahay dulmiga iyo kelitalisnimada Daahir Riyaale.

Beesha Gar-xejis waxay ummadda Somaliland la qabtaa dhibka uu ku hayo dulmiga iyo kalitalisnimada Daahir Riyaale isla markaana ka soo horjeedaa lana dagaallantaa sida beelaha kale. Beesha Gar-xejis waxaa lagu yaqaan talo-wanaag iyo taariikho qiimo leh. Beesho waxay qaybweyn ka soo qaadatay Halgankii Hubaysnaa ee SNM (1982-1990) ee dalka iyo dadka lagaga badbaadinayay Taliskii maato-layska ahaa ee Siyaad Barre. Waxaa Beesha Gar-xejis ka dhashay Cabdulqaadir Koosaar, Lixle iyo Ibrahim Kood-buur oo ka mid ahaa halyeeyadii iyo geesiyadii ku shahiiday halgankaas, waxaa ka dhashay Moxamuud Axmed Cali oo ahaa aabbaha waxbarashada Somaliland, waxaa ka dhashay Xasan Cabduule Walanwal (Xasan Kayd) oo ahaa geesigii hoggminayay inqilaabkii fashilmay ee Hargeysa ee 1961 kaas oo ujeedadiisu ahayd in Reer Waqooyigu la soo noqdaan dawladnimadoodii sida cad Koonfurtu uga duudsiday. Beesha Gar-xejis sharafteeda iyo taariikhdeeda wanaagsan way ilaashataa mana oggola in magaceeda dulmi, dullinimo iyo kelitalisnimo loogu adeego.

Gar-xejisow xoora Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Saciid Sulub Moxamed, Yusuf Ciise Tallaabo iyo Jaamac Yaasiin (Jug-Soo Dhacay) una tuura xukunka Daahir Riyaale sida Habar-jeclo u xoortay Cabdullaahi Moxamed Ducale (Ina Dhoolayare) iyo Cisman Buurmadow (Oday Biiqay) oo ugu tuurtay Daahir Riyaale. Awalow adna xoor Cabdullaahi Ismaaciil Cali (Cabdullahi-Cirro) iyo Cali Xasan Moxamuud (Cali-Asad) oo u tuura Daahir Riyaale. Dhammaan ragani waxay ceeb u soo jiideen beelahooda. Waa in tallaabo adag laga qaadaa raga u adeega dullinimada iyo kelitalisnimada Daahir Riyaale loona isticmaalo isku-dirka Beelaha Isaaqa.

Riyaalow adna waxaan ku leeyahay, shantii (5) sano ee aad xaqa u lahayd waxay ku ekayd May 2008 xafiiskana sharcidarro iyo keltalisnimo ayaad ku fadhidaa muddo hal sano ah. Labadii jeer ee koox Guurtida ka tirsan kuu samaysay muddo kordhinta khilaafsan Dastuurka Dalka adaa olole weyn oo laaluush ku salaysan u galay si aad doorashada u horjoogsato. Maanta waxaa laguu aqoonsanyahay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB oo qudha. Ujeedada doorasho diidkaagu waa la dagaallanka sumcadda, qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland dabadeedna intaad qiiq isku qariso ayaad mucaaradka ku eedaysaa inay iyagu diidanyihiin doorasho la qabto taas oo ah munaafaqnimo xun. Maanta waxaad miciin iyo cumri dherer mooday isku-horkeenka Beelaha Isaaqa oo ka koray isku-dir aaminsanna qaranimo iyo dawladnimo. Colaad ninka huriya ayuunbaa eeda. Basaasiintaada ayaad tiraahdaa suuqa geliya in haddii kursiga la iigu yimaado ay magaalooyinku burburayaan. Riyaalow kursiga qarankaa leh waxaanad ku joogtaa dulmi iyo kelitaslisnimo fool-xun, dulmina looma daawado oo looma daayo magaalo ayaa burburi. Shacabku ma burbriyo magaalooyin ee waxaa burburiyaa daalim adoo kale ah.Waxaa shacabku burburiyaa waa daaraha dulmigu ku dhuunto oo aad adigu iyo inta kuu adeegta ka mid tihiin.

Riyaalow haddii Ismaaciil Geellaha Jabuuti iyo Meles Zenaawaha Itoobiya kugula dardaarmeen inaad kursiga xejisato si iyagana kelitalisnimadoodu u jirto been ayay kuu sheegeen. Riyaalow waxa keliya oo kuu hadhay waxa weeye inaad dembiyo culus ku gashid xafiiska dabadeedna inta ummaddu gadoodo ay adiga iyo inta kuu adeegtaba idiin ku soo gasho daaraha dulmiga ee aad ku dhuumanaysaan. Waxaan kula talinayaa inaad laba mid uun yeeshid oo aan lahayn mid seddexaad. Waa ta kowaade, inaad xilka qaranka dhakhso ugu wareejiso Golayaasha Qaranka si dhibaatada siyaasadeed ee dalka ka jirtaa u dhammaato. Waa midda labaade, in doorasho xalaal ah oo deg deg ah aad dalka ka qabato. Haddii aad diido xil-wareejinta ama in doorasho laga qabto dalka ama inta doorasho la qabto aad boobto waxaad ogaataa in kacdoon dadweyne ku burburinayo oo lagaa badbaadinayo mustaqbalka ummadda iyo qaranimada. Lama arag kelitaliye iyo inta taageerta oo aanay u dambayn taariikh xumo iyo sharaf-xumo lala godgalo. Waxay ummadda ka dhacaan ee ay ku noolyihiin, ubadkkoodana ku koriyaan, fidnada ay dhashaan iyo dembiyada ay galaan waxay ka qaadaan cuduro daran oo aan daawo lahayn oo dunida ayaa Ilaahay ku sii ciqaaba, aakhirana Naari ku sugaysaa.

Taliyayaasha iyo Ciidamada (Booliis iyo Milateriba) waxaan leeyahay waxaad ka dhalateen una dhaarateen dadka iyo dalka ee ka ilaaliya ummadda xabbadda. Waa laga gudbay samankii ciidamada loo adeegsanjiray dulmi iyo kelitalisnimo. Axsaabta mucaaradka iyo taageerayaashoodu xaq dastuuri ah ayay u leeyihiin inay markasta qabtaan banaanbaxyo looga soo horjeedo xukunka xilligiisii dhammaaday ee Riyaale mana jirto cid awood u leh inay mamnuucdo ama horjoogsato ee yaan si fudud dambiyo la idiingelin. Waxaad ogaataan in dulmiga iyo kelitalisnimada Daahir Riyaale iyo inta u adeegta ay maanta halis ku hayaan nolosha iyo mustaqbalka qofkasta, qoyskasta iyo beelkasta oo Somaliland ah oo ay ku jiraan carruurtiinu, eheladiinu iyo idinkuba. Waa dembi iyo sharaf-xumo adduunyada aan idinka hadhayn Aakhirana Naar lagu galo haddii aad dad u dishaan ama u dhimaataan xukunka Daahir Riyaale ee ku dhisan dulmiga, dib-u-dhaca iyo kelitalisnimada. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in xukunka Riyaale lagu rido kacdoon dadweyne, waxaa waajib idinku ah inaad la safataan ummadda iyo mucaaradka si la iskaga badbaadsho dulmiga iyo kelitalisnimadiisa. Ha Noolaato Somaliland.

Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com
April 16, 2009

No comments: