Saturday, April 25, 2009

DALJIRE: Rajo Iyo Rayaale

(Waridaad)-Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Guurtidu Seesar (saucer) bay noo ahayd intaanay doorsoomin badideedu
Doolaal: What you mean?

Dubbe: What you mean adigu? ma markaad afarta midh ee Ingriisiya igu tijaabin jirtaybaa? Ingiriisi xumadaasi waa tii Yusuf Tallabo fiisaha loogu diidaye. Mar dambe ayaan taa Tallaabo kaa sheekayn doonaa iyadoo dhane.

Doolaal: waar iska dhaafoo maxaad u jeeddaa baan ku idhi

Dubbe: Eeg. berigii hore shaaha waxa lagu soo shubi jiray koob Ruugbuur la odhan jiray oo seesar lahaa. Markaa, marka uu inanka maqaaxidu shaaha soo qaadu haddii uu yara ruxmo ,siiba ka shaqada ku cusub ee yara ciirciirayaa ama itaalka daran lehi, wixii ka daataa seesarka ayuu ku daadan jiray. Ta kale marka uu shaahu kugu kululaado seesarka ayaa lagu shubi jiray oo lagu qaboojin jiray oo ama koobka dib loogu celin jiray ama inta fartaa murdisada iyo ta ku xigta sida maqaska dhan loogaga qabto dhanka kalena suulka hoosta laga geliyo ayaa kor loo soo qaadan jiray iyadoo far yaradana kor loo taagayo oo la cabbi jiray shaahii ee yar defey. Guurtida iyo madaxdhaqameedyadu waxay inoo ahaan jireen seesarkaas oo kale oo marka arrimahu kululaadaan ee waxa koobka siyaasadda ku jiraa inagu kululaadaan ayaynu iyaga ku qaboojin jirnay. Iminka badidoodii iyagii baa koobab sufur ah oo wax kulul lagu soo shubayo oo aynu ku gubanayno ah. Markaa side buu arrinkeenu u qaboobiba? Marka Suldaan ama Xaaji Cabdi oo kale dagaalkii sokeeyo Ina Rayaale daraaddii ay is yidhaahdaan dib u soo nooleeya maxaynu ula yaabaynaa Walax-Cireed Jug-soo-dhacay iyo Cawil iyo kuwa aan weligood dad laysku gubo mooyee aan si kale u ceeshin?

Doolaal: Waar waxaa iska daayoo kordhintii Guurtida ma aqbalaysaan mise aqbali maysaan laydiin joojin maayee?

Duube: Waxa kale oo aan la yaabay umaddan aan dulmiga ka hadli karayn ee qofka dulman uun sii dulbuuxinaysaa. Bal wixii dulli iyo daaquud ahaa ee nabada nabaddada guri jiray. Wixii oo suldaan iyo oday nabada odhan jiray mid qudha oo xabaddii Axmed Siilaanyo lagu riday ka hadlay ma jiro. Tii Faysal Cali Waraabe lagu riday ka hadlay majiro. Ninkii Xabadda ku riday Kulmiye ee la xidhay ee markiiba Rayaale sii daayay cid ka hadashay ma jirto. Raga ku xidhan nin bay ku yidhaahdeen xaaskaagaad magan uu ahayd ee aan xabbad ridin cid ka hadashay ma jirto. Sidii shinbirtan hadalka dadka ku soo celisa ayauumbay kelmed keliya maqleen oo soo celiyaan. “nabadda nabadda” waar nabddu waxay ku fadhido barta dabadeed waxaa ilaaliya garan maayaan.

Doolaal: Oo adigu weligaaba yaab baad ku jirtaye miyaanu kula yaabaynaa. Ma wax aanad la yaabin baa jira?
Dubbe: Wuxuu yidhi orgigii “xilahayagii baa ilaahay xilo baas ka dhigay.” Maxaanu samaynaa dalkayagii iyo dadkayagii baa Alle sidan ka dhigay. Waxaan la yaabay. Bal Maxkamaddan Sare ee ninkii nin feedhaa ka soo ashkatoonayo sidii shookiga ee waraaqda u soo qoraysa eega idinku. Ma waxaan la yaabin baa? Waa tii maxkamadaha ugu dambayn lahayd ee aaaaaaaakhirka laysula iman lahaa ee eegi lahayd in sharcigii la soo maray oo sii haboon loo fuliyay. Tolow kuwan dagaalkii sokeeye ka hadlayaa miyaanay waxaa arag?


Doolaal: Maxaa ka macno ah Kollay maxkamad ayuumbaa loo ashkatoon lahaaye?

Dubbe: Waar adigu awalba caqli maad lahayne warbaan kuu hayaa dee.

Doolaal: Hoos u dhigoo. Ma jagaa? Halkay ku taallaa? Indian Lineka hay odhan. Hay dhowaan halkaa yaan lafahayga lay cawarine. Belo ayaa ka higle halkaase.

Dubbe: Iimaanka lagaa qaad. Oo kuwii horeba waxba kama hayside ma qaar kalaad weli raadinaysaa? Ma awrkii Wasiir Nuux Sheekh cunay baa ku jira Indian Line ka?

Doolaal: Waar kii baanu qof moodnay. Weligaaba war wax laga dheefayo maad hayn. Waar ka bax arrintaa dhulka oo iska wado nacnacdadaada.

Dubbe: Horta intii Kulmiye mudaharaadayay anna bulshada ayaan rikoodh kula wareegayay oo rajada ay Rayaale ka qabaan baan wax ka weydiinayay.

Doolaal: oo dabeedna?

Dubbe: Nag. Waday oo waday oo waday oo cid ninka rajo ka qabta inuun inuu wax soo kordhiyo ayaan waayay. UDUBtana ku dhehoo. Waaba habaar kani.

DoolaalOo yaad wax weydiisay eek u dhegeysta adiga.


Dubbe: Waar dhegeyso:
· Guurtida intii u codaysay baan ugu horreeyay. Kuye.”waar waydinkan lixda bilood ugu dhuftay ee waxoogaagii uu idiinku ballan qaaday uun inuu idiin dhamaystiro rajo ma ka qabtaa?’ “Mooshin baanu ka soo saarayna shir jaraa’idna waanu qabanaynaa.” bay yidhaahdeen. “
· UDUBtii baan idhi “waakan oo loo kordhiye ee inuu dhaqdhaqaaqo oo wax idin taro aydin ku hawl gashaan rajo ma qabtaan?” “taa ha ka yaabin.” Bay yidhaahden.
· Qolo dhallin yaro ah baan u tegey. “waar ninkii loo kordhiye inuu shaqo idiin abuuro Rajo ma ka qabtaan?” waabay igu qosleen. “oo adeer miyaad sillantay mise dalkaad ku cusubtay?” bay yidhaahdeen .
· Adhiilayaashii...... markay indhaha iga qaadeen anigoon bujuu weli odhan bay yidhaahdeen “Dubbow rajo kama qabno adhi inta ninkaasi joogo ee ha harraadin.” Waar kuwani waaba quluubal caarifiin baan idhi.
· UDHIS oo rag badan oo aanu saaxiibnahay ku jiraan baan u tegey. “inna inuu Ururrada siyaasadda fasaxo oo aydin NGO nimada ka baxdaan rajo ma qabtaan” baan idhi. “oo idinkuunbaanu idinka soo cadhoonee kan ma war baa nagu seeggan Dubbow?” ayay yidhaahdeen. “Waar rajo ma leh.” Ayay raaciyeen.
· Qolol Mujaahiiddana ayaan weydiiyay inay rajo ka qabaan inuu joojiyo taariikhda halganka ee uu aasayo. “maya.” Bay yidhaahdeen.
· Wakiilada ayaan wediiyay inay rajo ka qabaan inuu xisaab xidh keeno. “haba sheegin.” Bay yidhaahdee.
· Ciidamada Qaranka ayaan weydiiyay inay rajo ka qabaan inuu derejo u sameeyo. “Baabacadaa...” ayay yidhaahdeen.
· Wakiilada gobollada bari ayaan weydiiyay inay rajo ka qabaan inuu lacatii aafada soo celiyo oo gobolada bari wax ugu qabto. “hayaaaaay... waa wareeeey’ bay yidhaahdeen.
· Dadweyne meel ku urursan ayaan daf soo idhi. Waxaan weydiiyay inay rajo ka qabaan inuu: 1.musuqa joojiyo 2. Inuu idaacaddii keeno 3.inuu berbera wershadihii ka dhisayo. 4. Inuu Odweyne waddadii ka samaynayo 5.inuu Ciidagale Gobolkii siinayo. 6.inuu biyo soo saarayo. Inuu laydh dadka u gelinyo. 7 inuu joojinayo dhulka umadda ee uu iibinayo. 8. Reer Boorame Marreexaanaynta ka daynayo waxba yuu tarinba eh. “iska hadlow Ina Igarre.” Bay igu yidhaahdeen

· Wadaaddo isla kaaya soo taagay baan weydiiayay inay rajo ka qabaan inuu dalka shareecadii uu ku ballan qaaday ku xukumayo. “Lacnatu laahi cala Daalimiin.” Bay yidhaahdeen.
· Islaan ooyaysa ayaan joojiayay oo maxkamadda ka timi. Waxaan idhi ee ninkii Ina Rayaale loo kordhi ee inna inuu maxkamadaha hagaajinayo oo aad caddaalad hesho rajo ma ka qabtaa? “caddaabtii Alla Ruubo ee Rayaale haygu soo qaadin.” Bay tidhi.
Waa inoo markan marka xiga haddii Eeebbe idmo.

A.Geeljire

No comments: