Saturday, April 25, 2009

Hoggaamiyayaasha saddexda xisbi oo kulankoodii u horreeyey yeeshay iyo warsaxaafadeed Guddida dhexdhexaadintu ka soo saaray

(Waridaad)-Guddoomiyayaasha Saddexda xisbi qaran, UDUB, mudane Daahir Riyaale Kaahin, UCID, mudane Faysal Cali Waraabe iyo KULMIYE, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka kulankoodii u horreeyey oo fool-ka-fool ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.

Kulankan oo ay saddexda hoggaamiye isugu keeneen guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan, waxay saddexda guddoomiye kaga wadahadleen khilaafka cakiran ee siyaasadeed ee daka ka aloosan ee ka dhashay dib u dhaca doorashada iyo dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa iyo sidii xal loogu heli lahaa.
Kulankaas ka dib ayaa guddida dhexdhexaadinta khilaafaadku warsaxaafadeedkan kooban ka soo saareen wixii lagaga wadahadlay kulankaasi:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Mudane Faysal Cali-waraabe, kulankii ugu horreeyey ee maanta kula yeesheen guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ee EMB, waxay isku raaceen in xal loo helo is-mariwaaga siyaasadeed ee taagan.

Madaxweynaha iyo labada guddoomiye iyagoo ka hadlay duruufaha dalka ka taagan iyo kuwo mandaqadda, waxay kulankaa isku waydaarsadeed fikradahooda iyo aaraahdooda.

Madaxweyanaha iyo labada guddoomiye waxa ay kulankaas ku cusboonaysiiyeen, awood buuxdana ku siiyeen guddida dhexdhaadinta inuu soo darso fikradaha ay soo jeediyeen go’aanana ka soo gaadhaan”.

Guddidan oo ka soo dhexbaxday ergo ballaadhan oo isugu jirta culima’udiin, Salaaddiin, Ganacsato iyo waxgarad kale oo badan oo isku xilqaamay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee taagan ayaa dad badani is weydiinayaan sida ay ugu guuleysan karaan in ay xiisadda ku soo afjaraan xal lagu wada qanci karo, awoodda ay u leeyihiin inay go’aano adag oo xaq ah gaadhaan iyo sida xukunka ay soo gaadhaan dhinacyada oo dhami u aqbali doonaan, iyada oo laga werwersan yahay in Daahir Riyaale ku gacansaydhi doono go’aamada guddida haddii ay noqdaan kuwo aanu doonayn, sidii uu horeba ugu gacansaydhay go’aamadii guddidii ay hoggaaminayeen labada abwaan ee waaweyn ee reer Somaliland ixtiraamaan, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).

Waxa kale oo ay dadku ka werwersan yihiin in Daahir Riyaale uu kala qaybin doono guddidan ka kooban 7-da xubnood, sidii uu u kala qaybiyey guddidii labada Abwaan hoggaaminayeen oo uu kala daadiyey, isla markaana u kala jabiyey saddex qaybood; Labada Abwaan oo caddeeyey in Daahir Riyaale ka baxay ballankii iyo axdigii, Ismaaciil Dheeg oo isagu difaacay Daahir Riyaale iyo xubno ka socdey Akadeemiyada oo iyaguna ka muquurtay dooddaas, taas oo la rumaysan yahay in marka horeba ay u shaqaynayeen Daahir Riyaale.

Waxaana ka mid ah guddidan 7-da xubnood ah Ismaaciil Dheeg oo ay dadku farta ku fiiqayaan, isla markaana dhexdhexaadnimadiisa ay shaki weyn ka qabaan.

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)
E-mail: afqarshe114@hotmail.com
www.somaliland.org, Hargaysa.
.

No comments: