Sunday, April 12, 2009

Dr. Gaboose muxuu galabsaday?

(Waridaad)- Wasiir ku xigeenka gaashandiga wakhtigiisii galbaday ee lagu magacaabo, Filanwaa, ayey af kala qaad ku noqotay siyaaraddii ay dhawaan xisbiga Kulmiye ku tagaan xerada guud ee ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliland. Socdaalkaas oo ay gudoomiyaha ay ku wehelinayeen xubno door ah, kana mid ahaayeen Dr. Gaboose, oo si wanaagsan, uu ugu soo dhaweeyey taliyaha ciidamadda Soomaaliland, Mudane Taani, wada hadalkoodiina ku dhamaaday talo isla meel dhigid iyo afgarad.

Waxaa xukuumadan bilaa sharciga ah ay qaadan kari wayday ciidamaddii ay is lahayd ku fushada arrimahiina qaloocsan oo isu soo taagay xisbigii mucaaradka ugu weynaa, ahna ka bedel doona doorashada soo socota, xukuumadan bilaa tayada ah, tahayna mar kasta inay ciidamadu dhex u noqdaan xisbiyada doorashadu dhex taalo, iyagoo ogna in taladu tahay meerto oo dadku marba xisbiga ay u arkaan inuu yahay ka saari kara duruufa la soo dersa ay u codeeyaan, kana dhigaan kuwa talada haya, ciidamaduna ay sidaa og-soodaan.

Haddaba, waxaa isa soo tara qaylo dhaan ka soo burqanaya xukuumadan bilaa sharciga ah, ka dib markii ay u cadaatay in ciidamada qalabka sidaa aanay marnaba ugu milmi doonin doorashada dalka fooda ku soo haysa, noqon doonaana kuwa ilaaliya nabada guud, cidii khalkhal gelisana ay dhinac uga soo wada jeesanayaan, ciday doontaba ha noqotee.

Xisbiga Kulmiye isagoo halkaa ka duulaaya, ayuu gaadhsiiyey taliyaha ciidamadda qalabka sida sidii wadanka loo badbaadin lahaa, doorasha xalaal ahna loo gaadhsiin lahaa, iyadoo ciidamaduna ay dhex u yahiin dhinacyadda is haya.

Waxay arrintani ku noqoto gantaal gudoomiyaha xisbiga Udub, Dahir Riyaale oo sida uu ukala qaybiyey askartii wadanka ugana dhigay qolo-qolo si uu ugu fushado arrimo u khaas ah, hase -ahaatee uu ka waayey ciidamada, iminkana u arko in lagala wareegay. Xidhxidhaayna ka soo hadhay.

Waxaa isna mikirifoon qaatay, wasiir ku xigeenka gaashaandhiga wakhtigiisii dhamaaday ee lagu magacaabo, Filanwaa, oo ay ku noqotay lama filaan oo ay erayadiisiina ka mid ahaayeen:

"“Taliyaha Ciidanka Qaranka waxaan ku wargelinayaa axsaabta siyaasiga ah ma iman karaan xeryaha ciidammada mar dambena ciidanka qaranka uma iman karaan, soomana geli karaan, axsaabtana waxaan leeyahay annaga ayaa idin khusayna ee noo kaalaya wixii imanka ka dambeeya, arrintaasina waa waxyeelo qaran iyo fowdo, loomana baahna." Taasoo ku tusaysa saska ay ka qaadeen socdaalkii gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Waxaa xukuumadda wakhtigeedii dhamaaday, gawska geliyeen, Dr.Gaboose, oo yidhaahdeen, Siilaanyo umuu tegi jirin ciidamadda'e, waxaa u horseeday Dr.Gaboose. Waana kuwan erayadii ka soo yeedha ninkaas . “Axmed Siilaanyo xeryaha ciidammada muu tegi jirin ee waxa geeyey Gabboose, haddiiba KULMIYE tagay xeryaha ciidammada oo lala kulmay ninkii habeen hore [Jimcihii] ka hadlayey Tv-ga ee Gabboose muu sheegin wixii ay la tageen iyo wixii loogu jawaabay midna ee wax kale oo aan jirin ayuu sheegay.’

Erayadaasi ummad yahay ma tahay mid masuul ku hadli karo? Miyaanay ahayn aqoonta ay leeyahiin wasiiro ku sheegyadda gudoomiye Riyaale? Miyaanay meel ka dhac ku ahayn in gudoomiye xisbi la yidhaahdo waa la kaxeeyey, ee isaga muu garteen. Tana waa u taaganahay, cajiib!

Halkaa kagamuu hadhine haddana wuxuu yidhi:

Xeer-ilaaliyaha Guud ee ciidammada qalabka sida waxaan farayaa inuu diyaargareeyo dacwad oo ku soo oogo Gabboose, falalka uu ka tilmaamayo ciidammada ee warbaahinta intuu ka jeediyey adduunka iyo shacabkaba ku fidiyey ee beenta ah inaad isla markaana u gudbiso maxkamadda awoodda u leh, taliyaha ciidanka qarankana waxaan farayaa inuu jawaab cad ka bixiyo waxa uu ka baahiyey warbaahinta Gabboose.”

Arrimahani akhristayaal waxay ina farayaan, in xukuumadan fadhiidhka ahi uu wakhtigeedii dhamaad yahay, tahayna naf la caari, taagan-yahiina allow dhagaxyo soo daadi, ilayn niman lexojeclo ka hayso dalkan ma aha.

Waxaa iyana dhabar jebis ku noqotay gudoomiye Riyaale iyo xulafadiisa uu ugu danbeeyey, Jug-soo-dhacday, markii gole hoosaadyaddii Golaha Guurtidana la bedelay, laguna bedelay kuwii la saadaalinaayey mudaba, debadana la dhigay intii u fadhiday dantooda hoose iy cid u xaglayn.

Gudoomiyaha Guddida Joogtada Ee Golaha Guurtida Md:Cabdilaahi Ibraahim Xirsi -Dhugad oo ah gudoomiyaha lagu bedelay, Xaaji Cabdi Waraabe, ayaa shirkiisii ugu horeeyey soo dhaweyey in dalka laga qaban karo mudaharaadyada salmiga ah, oo ay ahayd inay Guurtidu beri hore meel cad iska taagto, hase-ahaatee ku fashilantay, hadase gacanta ay ku hayaan kuwii dhex ka noqon lahaa arrimahan cakiran.

Waxaanu leenahay mudanaha waa lagu sugayeey soo dhawaw. Xukuumada bilaa sharciga ahna waxaanu leenahay wakhigiinii dhamaadkiisii waa muuqdaa ee diyaargarooba.


Waridaad media centre

No comments: