Wednesday, April 15, 2009

Warsaxaafadeed: UJEEDDO: WEERAR HUBEYSAN

(Waridaad)- XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND (KULMIYE)

REF: XK/XG/0099/09
DATE: 13.4.2009

KU: Taliyaha Ciidamda Booliska JSL =Hargeysa=

OG: Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JSL =Hargeysa=

OG: Golaha Wakiilada JSL =Hargeysa=

OG: Golaha Guurtida JSL =Hargeysa=

OG:- Xisbiga UCID =Hargeysa=

OG: Xisbiga UDUB =Hargeysa=


UJEEDDO: WEERAR HUBEYSAN.

Waxaa manta oo bishu tahay April 13, 2009, ahna maalin Isniin ah , abbaaro 11:45 subaxnimo, lagu rasaaseeyey Xarunta Xisbiga Kulmiye Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga , halkaas oo ay isugu soo baxeen Madaxda iyo taageerayaasha si ay u muujiyaan ra’yigooda ku saabsan saluugga maamulka Xukuumadda Riyaale ee waqtigeedi dhammaaday 6dii April 2009, iyo dib u dhaca sharci-darrada ah ee loogu kordhiyey mudada lixda bilood ah.

Waxaana goobtaasi khudbado ka jeedinayey Hoggaanka Xisbiga, Xildhibaano iyo Madax kale oo ka socotay Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, Urur-siyaasadeedka Qaran, Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida iyo Madax-dhaqameedyo. Intii ay socdeen khudbadahaasi waxaa mar walba rabshado iyo qalaanqal ka dhex-waday madasha dad si gaara loo soo abaabulay oo loogu talo-galay inay khalkhal geliyaan isu soo baxa Kulmiye.

Waxaana ugu danbeyntii ay rabshadaasi dhalisay in nin aan ka mid ahayn taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, oo magaciisana lagu sheegay MAXAMED XUSEEN KHALIIF, uu rasaas ka dhacaysa bistoolad uu oodda kaga qaaday taageerayaashii Xisbiga ee goobta joogay, hase-yeeshee aanay cidina waxba ku noqonin.

Kadib, markii daba-gal arrintaas lagu sameeyey , waxaa noo caddaatay in ninkani loo adeegsaday in uu dilo qaar ka mid ah Hoggaanka Xisbiga Kulmiye , si loo abuuro xaalad colaadeed iyo Nabadgelyo darro, laguna shaabadeeyo Xisbiga Kulmiye. Hase-yeeshee , taasi may dhicin, oo waa laga badbaaday, kadib markii ay iska caabiyeen taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, waxaana la xaqiijinayaa inuu Bastoolada lahaa nin ka tirsan CIIDANMADA MADAXTOOYADA, oo isla markiiba kala wareegay ninkaasi Bistooladii, kuna ritay galkeedii oo uu isagu xidhnaa, si degdeg ahna uga carraray goobtii ninka lagu qabtay.
Ninkaas Bistooladda adeegsaday waxaa loo taxaabay Xarunta C.I.D-da ee Hargeysa, sida aanu ku helay wararka.

Hadaba, waxaanu ka codsanaynaa Ciidamada Nabadgelyada:

In si deg deg ah loo horkeeno dambiilaha sharciga.

In arrintani baadhitaan lagu sameeyo, inuu ka dambeeyo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi/Jeex Cali Xasan Maxamed ( Cali Asad) oo loo aanaynayo inuu ka dambeeyo arrintani.

In la soo qabto askariga u dhiibay Bastooladdiisa danbiilaha , isla markaana sharciga la hor-keeno.

Inay Madaxda Ciidamada Nabadgelyadu qoraal ugu soo gudbiyaan Hoggaanka Xisbiga tafaasiisha mu’aamaraadkani ee loo soo maleegay Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.

Waxaan aad ugu rejoweynahay in aydin si deg deg ah wax uga qaban doontaan.

WADA SHAQEYN WACAN



KEYSE XASAN CIGE

XOGHAYAHA GUUD

No comments: