Sunday, July 19, 2009

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Oo Si Heer Qaran Loogu Soo Dhaweeyay Nairobi

(Waridaad)-Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KUlMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dalka Kenya caasmidaiisa Nairobi u yimid si loogu sameeyo baadhitaan la xidhiidha jug dhawaan ka soo gaadhay dhinica Misigta.

Ahmed Silanyo oo ay whelinayeen xaaskiisa Amina Weris Sheikh Mohamed, ayaa waxaa airportka ku soo dhaweeyay dadweyne aad u faro badan iyo madax ka socotay dawlada Kenya, waxaana markii uu soo degay loo galibiyay qolkii vip ee airporta, halkaas oo si kooban uga mahadceshay dadweynihii faraha badnaa ee soo dhaweeyay iyo sidii diirnayd ee dawlda Kenya u qaabishay.

Intaa ka dibna waxaa Gudoomiyaha loo galbiyay Isbitaalka Private ah, oo Gudoomiyaha loo sii diyaariyay.

Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KUlMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa in mudo dhowr cisho ah uu halkaa ku nasan doono, waxaana la rajeenayaa in inta uu joogo halkaa la kulmi doono jaaliyada Somaliland ee Kenya iyo qaar kamdi ah madaxda dalka
Kenya.

Xigasho: Somaliland.org

Nairobi Kenya

No comments: