
Shalayto oo ay magaalada Birmingham ee dalka England kulan kula yeesheen dad kooban ayaa dadku ay aad u yaabeen, markii la weydiidyey sababta dawladu saaxafadda xorta ah dagaalka ugula jirto, taas oo xitaa faqashtii ay ka xishoon jirtey oo aan weligeed wariye xidhin, iyo sababta wariyeyaasha Horyaal loo xidhxidhey, dadku waxa ay ku quusteen markii u ku jawaabey, wariyeyaashaasu iyakaa ka masuul ahaa dadkii geystey falka jid gooyada ah ee dadkii reer Borame lagu khaarajiyey, waayo? waxa ay iska hor keeneen beena ka sheegeen madaxtooyada iyo reer Gabiley, taas oo keliftey markii Horyaal war aan jirrin madaxtooyada ka sheegeen oo la maqley in ay jawaabta xasuqa ah geestaan reer Gabiley.
Akhristow, hadalkani waxa u ka marag furey caadadii Ahmed Hashi ku tilmaami jireen muwaadiniinta reer S/land ee ahayd u adeegida Riyaale iyo Huda.Waxaase looga fadhiyaa in u cadeeyo hadalka u ku qiraayo in weriyeyaashu yihiin gacan ku dhiig leyaal, taas oo hore madaxtooyadu u faafisey ka dib markii madaxtooyadu ku fashilantey wax ka qabashada arrinta Ceel bardaale iyo fulinta go'aamadii Guurtida.
Amina Hagi Mohamoud.
Amina_991@hotmail.com
No comments:
Post a Comment