Thursday, July 30, 2009

Caalamka oo ka jawaabay go’aankii Xukuumadda iyo Komishanka ee Doorashooyinka Madaxtooyada

(Waridaad)-Hargeysa - Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden), kaas oo uu ku sheegay in ay guddi ahaan isla qaateen in Doorashada Madaxtooyada ee soo socota lagu galo Diiwaangelin-la’aan.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen Guddida Guddida isku-dubba-ridka Barnaamijka dimuqraadiyadeynta ee ka kooban, Hay’adaha USAID, DFID (UK), SIDA (Sweden), Denmark iyo Switzerland, hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha Komishanka ayay ku tilmaameen Qaadhaan-bixiyayaashu mid niyad-jab ah oo dhabar-jab iyo khasaare ku ah Somaliland iyo geeddi-socodka Dimuqraadiyaddaba. Waxaanay xuseen in soo-saarista Liiska Codbixiyayaasha uu jidaynayo Xeerka Doorashooyinka Somaliland oo ay kaabayaan heshiisyadii ay Xisbiyada Siyaasaddu hore u saxeexaan. Sidaa darteed, waxay sheegeen in natiijadaas ay aqoonsan yihiin. Waxaanay ugu baaqeen guud ahaan Somaliland iyo Siyaasiyiinteeda in isu-tanaasul lala yimaaddo, loona diyaar-garoobo in Doorasho xor oo xalaal ahi dalka ka dhacdo.
Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Madaxa Barnaamijkan isku-dubba-ridka Dimuqraadiyadaynta Mr. Jonathan Hargreaves, , ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Deeqbixiyeyaashu waxa ay ku hambalyaynayaan Shacbiga Somaliland soo saarista Liiska Codbixiyeyaasha ee 27-ka July 2009, kaasi oo hadda diyaar ah yaalana. Tani waxay ka turjumaysaa gabogabada dedaal badan oo ay galen daneeyayaashu fursad muhiim ahna waxay u tahay shacbiga reer Somaliland. Deeqbixiyeyaashu waxay aqoonsan yihiin soo saaristii Liiska Codbixiyeyaasha oo ay si togan u qiimaysay Shirkad Madax banaan oo Maraykan ahi oo si kalsooni leh saldhig ugu noqonaysa qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah. Soo-saaridda Liiska Codbixiyeyaasha waxa jidaynaya sharciyan Xeerarka doorashada Somaliland ee khuseeya, waxana kaabaya heshiisyadii loo dhammaa ee ay gaadheen xisbiyada siyaasadu.

Deeqbixiyeyaashu waxay ka xun yihiin dhawaaqii ka soo yeedhay Madaxda Komishanka Qaranka ee doorashooyinka, lagana sii daayay Idaacada BBC-da laanteeda Af-ka Soomaaliga ee 28-kii July 2009 ee ah ku tallo-galka in la qabto doorasho Madaxweyne oo aan la adeegsanayn liiska codbixiyeyaasha, taasi oo haddii lagu sii socdo ka turjumaysa khasaare mug leh oo so gaadha shacbiga Somaliland iyo hanaanka dimuqraadiyada Somaliland.

Deeqbixiyeyaashu waxay ku dhiiri gelinayaan dhammaan daneeyeyaasha Somaliland inay hirgeliyaan dhaqankii soo jireenka ahaa ee ah isu tanaasul iyo go’aan qaadasho wada tashi ku salaysan iyo karti hoggaamineed si la isula meel dhigo khilaafaadka jira, looguna diyaar garoobo qabashada doorashooyin Madaxweyne oo xor iyo xalaal ah laguna kalsoonaan karo.”
Waridaad media centre

No comments: