Wednesday, July 29, 2009

SOCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE

(Waridaad)-Gudoomiye Donald Payne waa nin miisaan wayn ku leh siyaasadda Maraykanka ee Afrika, wuxuuna ahaa xildhibankii soo bandhigaya mooshinkii nambarkiisu ahaa 20, ee laga ansixiyaya Kongaress ka Maraykanka taariikhdu markay ahayd Febuary20, 1999. Nuxurka mooshinkaasi wuxuu ku baaqaye in Somaliland la siiyo gargaar dhaqaale iyo taakulo bini’aadanimo, waxaanu ahaa mooshinka kaliya ee Kongarayska Maraykanka laga soo saaray ee taageero loogu fidinayay Somaliland.

No comments: