Thursday, July 30, 2009

Komishanka Doorashooyinka oo sheegay sababta Interpeace dalka looga saaray

(Waridaad)-Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay sababta dalka looga saaray Hay’adda Interpeace oo maanta Xukuumaddu amartay in dalka laga saaro, isla markaana laga masaafuriyay.

Madaxa Barnaamijka Dimuqraadiyadaynta Soomaalida ee Hay’adda Interpeace Mr. Robin Zamora, ayaa maanta ka duulay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii amar la sheegay in uu ka soo baxay Wasaaradda Daakhiliga dalka lagaga saaray. Hay’adda Interpeace ayaa hore ugu dhawaaqday Liiska Codbixiyayaasha oo ay gacanta ku hayeen, kaas oo ay ogolaadeen in lagu galo Doorashada Axsaabta Mucaaradka ahi, hase ahaatee Xisbiga UDUB, Komishanka Doorashooyinka iyo Xukuumaddu ay ku gacan-saydheen.

Guddida Doorashooyinka Qaranka 4 xubnood oo ka mid ah ayaa Shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabeen Xaruntooda Hargeysa waxay eedayn ugu jeediyeen Hay’adda Interpeace, isla markaana waxay ku sheegeen in ay dalka khalkhal gelinayso. Hase ahaatee, arrinta maragga u noqon karta mid ka mid ah sababta Interpeace dalka looga saaray ayay Guddida Doorashooyinku sheegeen, taas oo ah in ay Liiskii Codbixiyayaasha ee uu soo saaray Agabka kala-shaandhaynta Is-diiwaangeliyayaashu u gudbiyeen Axsaabta Mucaaradka ah. kaas oo la sheegay in Xisbiga UDUB uu diiday in uu ka guddoomo.
Xigasho: somaliland.org

No comments: