Monday, July 27, 2009

Faallo: Xuduudaha Afrika Waa Xuduudihii Isticmaarka

(Waridaad)- Qaybaha Af Somaliga ee Idaacadaha VOA iyo BBC waxay mar mar qabtaan doodo siyaasadeed oo la xidhiidha madaxbanaanida Somaliland iyo baadigoobka ay ugu jirto aqoonsiga Beesha Caalamka. Qaar ka mid ah doodayaasha ayaa waxay caadaystaan in si daacadnimada ka fog ay uga murmaan qaranimada iyo xuduudaha Somaliland iyaga oo ku tilmaamaya “Xudduudo Isticmaar.” Shakhsiyaadkan waa kuwo aan aqoon u lahayn taariikhda xuduudaha dawladaha Afrika ama waa kuwo majarahabaabiya dhageystayaasha idaacadaha. Qaramada Midoobay, Ururka Afrika iyo dawladaha Afrika midna ma samayn xuduudaha dawladaha Afrika balse waxaa dhammaantood sameeyay oo jeexay gumaystayaashii Reer Yurub, ka hor iyo kadib Qaybsigii Afrika ee 1884, waxaana qaranimada, dawladnimada iyo aqoonsiga dawladkasta oo Afrikaan ah ku salaysanyihiin xuduudihii ama sohdimihii ay ka dhaxashay Gumaysiga Yurub. Sidaas oo kale, dhammaan xuduudaha dawladaha Aasiya iyo Koonfur Ameerika waa kuwii ay u jeexeen kana dhaxleen dawladihii gumaysanjiray oo kala ahaa Ingiriiska, Faransiiska, iyo Spain (Al-Andalus).

Waa wax lagu qoslo in doodayaashan oo ka soo horjeeda madaxbanaanida Somaliland aqoonsanyihiin xuduudda dhexmarta Somaliland iyo Jabuuti laakiinse inkirsanyihiin xuduudda dhexmarta Somaliland iyo Somalia oo dhinac marta Garoowe iyo Boosaaso iyaga oo og in labada xuduudoodba ay jeexeen gumaystayaashii Reer Yurub. Xuduudaha Jabuuti, Somaliland iyo Somalia waa isku mid xagga shuruucda caalamiga ah waayo dhammaantood waxaa sameeyay gumaysigii Afrika. Sababta ay doodayaasha qaar uga soo horjeedaan qaranimada Somaliland waxay weeye waxay u hanqaltaagayaan dawlad beeleed aan suurtogal ahayn lagana aqoon Afrika ama meel kale, waxayna inkiraadooda sharcinimada xuduudaha Somaliland ka soo horjeedaa taariikhda xuduudaha Afrika. Cidkasta oo ka soo horjeedda sharcinimada madaxbanaanida, dawladnimada iyo xuduudaha Somaliland waxay ka soo horjeedaa sharcinimada madaxbanaanida, dawladnimada iyo xuduudaha dhammaan dawladaha Afrika (54 dal) kuwaas oo xuduudahoodu ka dhasheen xuduudihii isticmaarka.

Dadka qaar ayaa isku khalda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamulka Majeerteeniya (Puntland) oo ah gobol ka tirsan Somalia taas oo ay ugu wacantahay aqoon la`aan ka haysata xagga taariikhda Somalida. Somaliland waa dal madaxbanaan oo leh xuduudo aan cidi la wadaagin oo ay ka dhaxashay Gumaysigii Ingiriiska kuwaas oo ay ku qaadatay gobonimo bishii Juun 26, 1960 halka Puntland tahay gobol ka tirsan Somalia oo la wadaaga xuduud, xuduudaas oo ay Somalia ka dhaxashay Gumaysigii Talyaaniga kuna qaadatay gobonimo bishii July 1, 1960. Somaliland waa dal xaq u leh dawladnimo gaar ah iyo aqoonsiga caalamka sababta oo ah waxa uu leeyahay xuduud u gaar halka Puntland tahay gobol Somalia la wadaaga xuduudda sidaas awgeedna aan si gaar ah loo aqoonsankarin ama helikarin aqoonsiga caalamka. Haddii Xuduudo beeleed ama dawlado beeleed laga aqoonsan lahaa Afrika, waxaa dhicilahayd in Qaaradda Afrika dumilahayd oo ay halakaynlahaayeen dagaalo qabaa`il oo lagu hoobto waana sababtaas ta keentay in Ururka Afrika go`aamiyo 1964 in la ixtiraamo xuduudihii dalkakasta oo Afrikaan ah gobonimada ku qaatay taas oo ah xuduudihii isticmaarka ee ay Somaliland ku qaadatay xornimadeeda Juun 26, 1960. Jamhuuriyadda Somaliland marnaba ma aqbalikarto in Gobolka Majeerteeniya ee ka tirsan Somalia ku soo biiro waayo waxay meel-ka-dhac ku tahay xuduudaha iyo qaranimada Somalia .

Somaliland waa dalkii 5ta Somaliyeed ugu horreeyay ee ka xorooba Gumaysigii Reer Yurub Juun 26, 1960 kuna qaatay gobonimada xuduudii isticmaarku u jeexay isla markaan ay ku aqoonsadeen Qaramada Midoobay iyo 35 dal sida dalalkii kale ee Afrika ee xoroobay 1960 (17dal). Waxay kale oo Somaliland ahayd dalkii horeesaday midowgii Somaliland iyo Somalia bishii July 1, 1960 iyada oo baadigoobaysa dawlad “Somaliweyn” oo ka dhalata Geeska Afrika. Midowgaas waxa uu ku burburay gacanta Somalia kadib markii Somalia af-duubtay dawladii wadaagga ahayd mudadii 30ka sano ee Is-raaca (1960-1990); markii ummadda Somaliland cadaalad-xumadaas ka gadoodayna lagula kacay tacadiyo ka baxsan bini-aadamnimada. Cadaalad-xumadaas (1960-1982) iyo xad-gudubyadaas (1982-1990) ayaa ahaa sababihii ugu waaweynaa ee ku qasbay ummadda Somaliland inay ka baxdo midowgii ay la lahayd Somalia sannadkii 1991. Burburka midowgii labada dal wax saamayn ah kuma yeelanayo sharcinimada xuduudahaha Somaliland iyo xaqa ay u leedahay qaranimo iyo aqoonsiga Beesha Caalamka.

Somaliland iyo Somalia maaha labadii dal ee ugu horreeyay dunida ee kala taga, midowgooduna burburo. Midowgii weynaa ee la odhanjiray Midowga Soofiyati oo ka koobnaa 15 jamhuuriyadood ee uu abuuray Kacaankii Bolshafika 1917 waxa uu burburay si nabadgelyo ahna loogu kala tegay sannadkii 1989 ka dib markii lagu heshiinwaayay. Burburkaas waxaa ka dhashay dawlado cusub oo kala ah: Georgia , Ukraine , Armenia , Uzbekistan , Lithuania , Estonia , Latvia iwm waxaana dhammaantood lagu aqoonsaday xuduudihii ay lahaayeen ka hor Midowga Soofiyati. Sidaas oo kale, waxaa burburay Fadaraalkii Yugoslavia oo ka koobnaa 8 dal kadib markii uu dhexmaray dagaallo sokeeye oo lagu hoobtay intii u dhaxaysay 1991-1995 waxaana burburkaas ka soo baxay dawladaha kala ah: Serbia, Croatia, Bosnia-Herzegovina, Macedonia, Slovenia, Kosovo iwm kuwaas oo lagu aqoonsaday iyagana xuduudahoodii jiray Fadaraalka Yugoslavia ka hor. Arrimahanu waxay caddaynayaan in midnimada ka dhaxaysa laba dal ama dalal badan oo midoobay aanay ahayn muqaddas oo ay kala noqonkaraan haddii ay ku heshiinwaayaan midowga laakiin midnimada ka dhaxaysa dal gudihiis sida Jabuuti, Somaliland, Somalia, Tanzania, Uganda iwm ay tahay muqaddas sababta oo ah waxaa dalkasta isku haya xuduudihiisa qaran ee laga dhaxlay gumaystayaashii Reer Yurub oo uu ku qaatay xornimadiisa ama gobonimadiisa.

Somalida qaarbaa aaminsan in aanay Somaliland iyo Somalia kala noqonkarin ama kala tegikarin iyaga oo u cuskanaya in Somalidu tahay isku diin, af, dhaqan, iyo midab. Haddii arrintanu run ahaan lahayd, waxaa midoobilahaa ama fadaraal samaysan lahaa dalalka carabta asalka ah oo ka kooban 17 dal oo xor ah kalana madaxbanaan kuwaas oo kala ah: Algeria , Bahrain , Egypt , Iraq Jordan, Kuwait , Lebanon , Libya , Morocco , Oman , Qatar , Saudi Arabia , Syria , Tunisia , United Arab Emirates , Yemen iyo Sudan . Dalalkan carabta oo wadaaga diin. Af, dhaqan, iyo midab intaba kama dhaxayso wax midow ama fadaraal ah waayo way ku heshiinwaayeen, cid ku qasbikartana ma jirto. In ka badan 14 dal oo ka tirsan Koonfurta Ameerika kalana ah: Argentina , Bolivia , Peru , Uruguay , Paraguay , Chile , Venezuela , Colombia , Ecuador , Guatemala , Honduras , Panama , Nicaragua , El Salvador iwm waxay iyaguna wadaagaan diin (Catholic Church), af (Spanish), dhaqan, iyo midab laakiin ma wadaagaan wax midow ama fadaraal ah waayo way ku heshiinwaayeen, cid isku qasbikartana ma jirto. Wadaagga diinta, afka, dhaqanka, iyo midabka maaha wax lagu qancikaro oo lagu wadaagikaro midow ama fadaraal ama sabab u noqonkara inuu sii jiro haddii lagu heshiinwaayo. Cadaaladda iyo xukun-qaybsi loo simanyahay (Justice and fair power-sharing) ayaa ah shuruudaha ugu muhiimsan ee midow ama fadaraal ku jirikaro, waana arrinta ay Somalia ku guuldarraysatay inay fahamto xilligii midowga (1960-1990). Maantana kuwii ka mas`uulka ahaa ama taageersanaa burburkii midowga ee sacabka u tumayay xasuuqii iyo burburkii ku dhacay ummadda Somaliland ayaa u qaylinaya midnimo aan uurka jirin.

Diinta Islaamku way ammaanta waanay taageertaa midowga laakiin way ka soo horjeedaa midow u keena dhinac ka mid ah dhinacyada uu ka dhaxeeyo dulmi, burbur iyo halaag sida tacadiyadii ay Somalia kula kacday dadka iyo dalka Somalia siiba sannadihii 1988, 1989, 1990. Figradda “Somaliweyn” waxay la mid tahay maanta figradaha “Carabweyn” iyo “Koonfur Ameerikaweyn” oo aan la garanayn waqtiga ay hirgelidoonaan. Somalida qaar ayaa waxaa ka dhaadhacsan in Somaliland iyo Somalia oo qudha ay yihiin “Somaliweyn” iyaga oo meesha ka saaraya Jabuuti iyo dhulalka Somaliyeed ee la gumaysto taas oo ay uga jeedaan dano gaar ah. Figradda “Somaliweyn” waxay aad u soo shaac-baxday Dagaalkii Labaad ee dunida (1939-1945) ujeedaduna waxay ahayd in la xorreeyo 5ta Somaliyeed lana wada hooskeeno hal dawlad iyo calan oo ka dhalata Geeska Afrika ee ma ahayn in laba qudhi is-raacdo loona arko “Somaliweyn”. Somaliland mardambe ma noqonayso raq fudud oo 5ta Somaliyeed u soo hilib-doontaan sidii ay ahayd xilligii midowga.

Dadka Somaliland waxaa la xusuusinayaa in meeshu tahay Afrika oo ah meel qabiilka iyo degaankiisu ka mudanyihiin qaranimada iyo wadaninimada, meel aan la ixtiraamin doorasho xalaal ah lana qiimayn shuruucda dal, iyo meel ay ka aloosanyihiin qabyaalad daran, kelitalinimo arxan-darran iyo musuqmaasuq curyaamiya dhaqaalaha dal. Waa meel xukunkasta oo fadaraal ah ay deg deg u burburinkaraan af-gembiyo milatari sidii Siyaad Barre ku kacay 1969, kuwaas oo markiiba baaba`sha baarlamaankasta oo la doorto iyo dastuurkasta oo la dhigto. Ma jirto cid damaanad qaadaysa inaan arrimahanu ka dhacya Afrikada degila`. Ummadaha Somaliland iyo Somalia ma awoodaan midow dambe oo ay ku duugantahay halis kaas oo keena kelitalisnimo milatari oo fool-xun ama madaxweyne inta la doorto isku bedala kelitaliye axmaq ah kuwaas oo u horseeda labada shacab dagaallo sokeeye oo lagu hoobto iyo burbur guud. Iyada oo laga duulayo waayo aragnimadii xanuunka badnayd ee laga dhaxlay midowgii burburay ee labada dal, waxaa nabadgelyadu iyo danta labada dadba ku jirtaa in la kala madaxbanaanaado sida dalalka carbeed lana yeesho xidhiidh walaalnimo iyo iskaashi. Labada shacabba waa in aanay waqtiga iskaga lumin laguna khiyaamayn figradda “Somaliweyn” oo aan la garanayn waqtiga ay hirgelidoonto.

Shirweynihii ummadda Somaliland ee lagu qabtay magaalada Burco bishii May 18, 1991 ayaa si wadjir ah go`aan ugu gaadhay kuna dhawaaqay in Somaliland ka baxday midowgii ay la lahayd Somalia isla markaana soo ceshatay gobonimadeedii ay qaadatay Juun 26, 1960 lana baxday Jamhuriyadda Somaliland taas oo si weyn loogu taageeray aftidii laga qaaday ummadda Somaliland May 31, 2001. Sida ay ku andacoodaan kooxaha diidan madaxbanaanida Somaliland, Jamhuuriyadda Somaliland maaha gooni-u-goosato sida Maamulka Majeerteeniya (Puntland) ee ka tirsan Somalia balse waa dal ka noqday midowgii uu la lahaa Somalia kadib markii uu ku fashilmay gacanta Somalia. Jabuuti, Somaliland, iyo Somalia waa 3 dal oo u siman shuruucada caalamka marka laga eego xagga qaranimada iyo aqoonsiga sababta oo ah midkasta dalkeedu waa isku xuduud waana isku taariikh. Mustaqbalka waxay Somaliland wadahadal la yeelandoontaa oo qudha dawlad Somaliyeed oo ay doorato ummadda Somalia taas oo si buuxda gacanta ugu haysa dhulka iyo dadka Somalia (Mustacmaraddii hore ee Talyaaniga) islamarkaana aanay baarlamaankeeda iyo xukuumadeeda ku jirin dad u dhashay Somaliland oo sheegta inay matalaan Jamhuuriyadda Somaliland. Wadahadalkasta oo xukuumad Somaliland la yeelato Somalia iyada oo aan la fulin shuruudahan waxa uu meel-ka-dhac ku yahay madaxbanaanida Somaliland .

Somaliland , sida dalkasta oo Afrikaan ah, waxay xaq u leedahay qaranimo buuxda iyo inay hesho aqoonsiga Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka taas oo ku salaysan xuduudaheeda gaarka ah ee ay ka dhaxashay isticmaarkii Ingiriiska. Haddi aanay dalalka Afrika aqoonsan Somaliland waxay su`aal gelinayaan qaranimadooda iyo aqoonsigooda ku salaysan xuduudihii ay ka dhaxleen gumaysiga Reer Yurub. Aqoonsiga Somaliland kuma xidhna Somalia , haba yaraatee, balse waxa uu ku xidhanyahay xukun wanaagsan oo u adeegga dadka iyo dalka daacadna u ah madaxbanaanida Somaliland iyo doorashooyinka qaranka oo si nadiif ah loo qabto waqtigooda. Somaliland marnaba madaxbanaanideeda ugama tanaasulayso cadaadis shisheeye. Xuduudaha Afrika waa xuduudihii isticmaarka.

Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
Date: July 27, 2009.

No comments: