Monday, July 27, 2009

Xog. Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr Maxamed C. Cumar, oo maanta dawladda Maraykanka la kulmay

(Waridaad)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill ee magaalada Washington, oo uu ku tagay booqasho rasmi ah ka dib markii uu martiqaad ka helay dawladda Maraykanka si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimaha Somaliland.

Masuuliyiinta Maraykanka ee maanta ku soo dhawaysay Dr. Maxamed Cabdillahi Capitol Hill waxaa horkacayay Congressman Donald Payne, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibada iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale.

Soo dhawayntaasi ka dib waxay xoghayaha iyo Congressman Donald Payne oo ay weheliyaan xubno ka tirsan baarlamaanku ay yeesheen kulan dheer oo ay kawada arrimo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo iskaashigii ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka oo uu dhawaan soo dhex galay isfagranwaa. Waxay kaloo kawada hadleen arrimaha siyaasadeed ee hadda ka jira Somaliland iyo xiisadaha ku xeeran hawlaha diyaargarawga doorashada madaxtooyada Somaliland. Waxaana la filayaa inuu dhawaan warsxafadeed ka soo bixi doona wadahadalka laba geesood.

Dr. Maxamed Cabdillahi oo warbaahinta u waramay shirka ka dib ayaa sheegay inuu dawladda maraykanka ka codsaday in aanay joojin iskaashiga iyo taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland. Wuxuuna Xoghayuhu tilmaamay inay Somaliland maanta marayso xilli kale guur ah oo siyaasad ahaan xasaasi ah, manadaqadana ay ka aloosan yihiin xiisado colaadeed iyo nabadgalyo darro, sida agweed buu yidhi loo baahan yahay dawladda Maraykanku taageero isla garab taagto shacabka Somaliland kana caawiso siday u kobcin lahaayeen nabadgalyada iyo dimuqraadiyadda ay dhibka badan u soo mareen.

Dr Maxamed oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, wuxuu yidhi “ xil baa naga saaran xisbi ahaan inaanu u gurmano danaha shacabka Somaliland ka dib markay noo muuqatay in xidhiidhkii Somaliland iyo dawladda maraykanka oo ah dawladda adduunka ugu awoodda badan uu jar ka sii dhacayo, khalad xagga xukuumaddeena ka bilaambay awgeed.”
Muddada uu booqashada ku joogo Maraykanka wuxuu Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar kulan gaar ah la yeelanayaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ay kawada hadli doona arrimo saameeya siyaasadda Somaliland. Waxaa kale oo uu la kulmi doonaa Wasaaradda Macaawinada Dibada ee Maraykankan ee loo yaqaano USAID iyo hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda biniaadamka oo loo yaqaano (Human Rights Watch), oo uu kale hadli doono xadhiga xaqdarada ah ee wariye Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul oo labaduba ka tirsan Idaacadda Horyaal.

Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ee Maraykanku iyo kulamda rasmiga ee uu dawlada Maraykanku la yeelanayaa waxay ku soo beegmeen xilli Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu jooga magaalada Washington in muddo ah oo ay dawlada Maraykanku diiday inay la kulanto, arrintani oo muujinaysa sumcad xumida Wasiir Cabdillahi Ducaale iyo xukuumada Rayaale ay maanta adduunka ku leeyiiihiin.

Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dawladda Ingirriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, Lord. Mallach-Brown, uu la tashi ugu yeedhay Dr. Mamxamed Cabdillahi si loogala tashado arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dib u dhac ku yimid, ka dibna waxaa loogu yeedhay madaxwayne Daahir Rayaale magaalada London.

Arrimahani waxay muujinayaan in siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland uu hadda horumarinteeda gacanata ku haya xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, halka awooda siyaasadda dibadda ee xukuumaduna ay ku soo ururtay inay kolba jawaabcelin ka bixiso siyaasadda iyo diblomaasiyadda xawliga ku socota ee xisbiga KULMIYE.

Dr Mohamed Abdilahi ayaa lagu wadaa in uu bari la kulmo madax ka tirsan Wasaarada Arimaha dibada ee Maraykanka.

Washington DC

No comments: