Thursday, July 30, 2009

Saddexda Xisbi Siyaasi oo ka hadlay aragtidooda eriga Interpeace

(Waridaad)-Saddexda Xisbi Siyaasi ee Somaliland ayaa mawqifyo kala duwan iska taagay tallaabada ay Xukuumadda Somaliland dalka kaga saartay Hay’adda Interpeace. Waxaanay sidoo kale ku kala qaybsameen jawaabtii Qaadhaan-bixiyayaashu ka soo saareen go’aanka Komishanka ee ahaa in diiwaan-gelin la’aan lagu galo Doorashada Madaxtooyada.

Hoggaanka sare ee Axsaabta Siyaasadda ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ayaa ku kala qaybsamay tallaabada Xukuumaddu dalka kaga saartay Masuulkii Hay’adda Interpeace Mr. Robin Zamora oo maanta dalka laga masaafuriyay. Axsaabta Mucaaradka ah ayaa dhaleeceeyay, isla markaana tallaabadaa ku tilmaamay mid lagu burburinayo dimquraadiyadda iyo Doorashooyinka Somaliland. “Waanu cambaaraynayaa eriga Interpeace. Liiska ay soo saareen-na ma ahayn mid ay Interpeace gaar u qaadatay ee wuxuu ahaa mid loo dhan yahay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo ka qayb-galayay Dood gaaban oo Idaacadda BBC u qabatay hoggaanka saddexda Xisbi Siyaasi. Dhinaca Xisbiga Kulmiye waxa isna uga qayb galay Guddoomiye-xigeenka Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi. “Waxaanu u aragnaa DOorashadii oo la diidan yahay oo la burburiyay.. In Liiskan la qaybiyo oo Xisbi kasta la siiyo ayuu dhigayaa Sharciga Doorashooyinku, waanu qaadanay waana Liis sax ah. Komishanku wuxuu leeyahay ma jiro Liiskan, anaguna waxaanu leenahay wuu jiraa oo waa sax.” Ayuu yidhi Muse Biixi.

Xisbiga UDUB ee talada dalka haya, ayaa isna ka hadlay arrintan. “Ninkaasi haddii uu ku xad-gudbay nidaamkii uu ugu xil-saarnaa oo uu soo saaray Liis aan haba-yaraatee qabyo ah, haddii ciddii uu la tashanayay ee Komsihanku ka mid yahay ka booday, oo uu guddidii farsamada ka dul booday, sharcigii umaddana uu ku tuntay, waxaanu qabnaa in Sharcigu qabanayaa sida qof walba oo kale uu u qabanayo.. Xaq uma laha in uu Liiskaas soo saaro oo waa xad-gudub.” Sidaa waxa yidhi Xogyaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax.

Somaliland.Org

No comments: