Wednesday, July 15, 2009

kulmiye] Xisbiga Kulmiye oo maanta go'aan ka gaadhay shuruudii DeeqbixiyeyaashaWednesday, July 15, 2009 5:39 AM

(Waridaad)-Xisbiga KULMIYE waxa uu maanta soo saaray go'aan cad oo uu ka gaadhay shuruudii deeq-bixiyayaasha ee ahayd in la bedelo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, go'aankaasi wuxuu u dhignaa sidan:


Ku: Deeq-bixiyayaasha =Hargeysa=

Ku: Komishanka Doorashooyinka Qaranka =Hargeysa=

Og: Hay'ada INterpeace =Hargeysa=

Og: Xisbiga UCID =Hargeysa=

Og: Xisbiga UDUB =Hargeysa=

Ujeeddo: Go'aan Xisbi

Iyadoo aynu wada ognahay wadciga Siyaasadeed ee maanta Dalku marayo iyo shuruuda ay ku xidheen deeqbixiyayaashu maalgelintii doorashada, aragtida Xisbiga Kulmiye waxay tahay:

In Madaxweynuhu isagoo gudanaaya xilkiisa uu raadiyo xalka shuruuda ay deeqbixiyayaashu ku xidheen ee ah eriga iyo wax-ka-bedelka xubnaha Komishanka.
Xisbiga KULMIYE awood sharci uma laha wax-ka-qabashada, eriga iyo wax-ka-bedelka xubnaha Komishanka.

Xisbiga KULMIYE wuxuu mudnaanta koowaad siinayaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada. sidaasi darteed, wuxuu ka codsanayaa Madaxweynuhu inuu tixgeliyo wakhtiga yar ee ka hadhay maalinta loo cayimay qabsoomida doorashada oo ah 27 Sept, 2009.


Xisbiga KULMIYE wuxuu ka codsanayaa Komishanka Qaranka iyo Hay'adaha doorashada ku shaqada leh oo dhan inay dardargeliyaan hawlihii doorashada, iyagoo tixgelinaaya mudada yar ee ka hadhay.

Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa inaysan dan u ahayn Qaranka dib u dhac doorasho oo danbe.

Wa billaahi tawfiiq.

Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Xisbiga Kulmiye

No comments: