Thursday, July 30, 2009

M/weyne Rayaale muxuu ka yidhi eriga Interpeace & jawaabtii Deeq-bixiyayaasha?

(Waridaad)-Madaxweyne Rayaale ayaa maanta shaaca ka qaaday in Xukuumaddiisu aanay cidna ka sugayn kharashka Doorashada, isla markaana ay iyadu raadsanayso. Waxaanu difaacay eriga Madaxda Interpeace ee Somaliland Robin Zamora oo maanta dalka laga saaray, isaga oo sheegay in Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ahi aanay xukumin Somaliland ee kaliya doorkoodu yahay in ay caawiyaan.

Madaxweyne Rayaale oo maanta u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa difaacay go’aan ay hore u gaadheen xubno ka mid ah Komishanku oo sheegaya in Doorashada Madaxtooyada lagu galo natiijo-la’aan. Waxaanu sheegay in Xukuumad ahaan ay dhaqaalaha Doorashada raadsanayaan. “Waxay ahayd in si la helo Diiwaangelin si xaq ah oo xalaal ah u dhacda, taasna wixii ku dhacay waa la ogaa oo khaladaad badan baa lagu sameeyay, ilaa haddana waxa la saxay ma jiro. Komishanka Doorashooyinka Qarankuna waa Hay’dda kaliya ee u xilsaaran Doorashadan iyo siday ku qabsoomayso. Markii ninkan Zamora uu saddex dookh noo keenay ee uu yidhi, ama suga inta wax la saxayo ama diiwaangelin-la’aan ku gala ama tiradaa qaldan ee Milyanka iyo afarta boqol iyo dheeraadka qof ah ku gala Doorashada. Markaa Komishanku xukuumad ahaan waxay noo soo gudbiyeen Qoraal ay ku yidhaahdeen, laguma talo-geli karo Diiwaangelinta ee waxaanu doonaynaa in Doorasho toos ah la qabto. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay go’aansatay in Doorasho toos ah la galo, Lacagtana Xukuumaddu iyadaa raadinaysa, cid dambe oo ay wax ka sugaysaana ma jirto, waqtigeediina Doorashada way ku qabanaysaa.” Ayuu yidhi M/weyne Rayaale.

Mar la waydiiyay in tallaabada ay ku eryeen Zamora ay u muuqanayso mid ay ku degdegeen, maadaama aanay baadhis ku samayn eedaynta Komishanku u jeediyeen, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Waanu ku qanacnay (eedayntaas) oo wax lagu degdegay ma jiro, muddo badanba waa loo dul qaadanayay Ninkaa iyo wuxuu dalkan ka waday. Isagiibaa isu qaatay in uu Komishan yahay, waanu dafiray in uu Komishanka la shaqeeyo. Waxaanu dhex socday in uu isku diro Xisbiyada iyo Komishanka oo ay shaqadiisii noqotay, shaqsi noocaas ahna dalkan loogama baahna.”

Sidoo kale, mar la waydiiyay in ay Hay’adda Interpeace xaq u leedahay in ay Axsaabta u gudbiso oo ay tusto Liiska Codbixiyayaasha Doorashada ee is-diiwaangeliyay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta isagu (Zamora) xaq uma lahayn in uu tuso ee heshiiska meesha yaalay waxa uu ahaa in Komishanka iyo Axsaabta uu u soo bandhigo Liiska, laakiin wuxuu Xisbiyada Mucaaradka ah siiyay Liis gaar ah, isaga oo aan kala tashan Komishankii uu la shaqaynayay. Markaa, in Xisbiyadu iyaga oo wada dhan oo wada jooga la tuso oo Liiska hordhaca ah loo keeno muran kama taagna, marka inta uu saddex dookh keenay, haddana uu Xisbiyada Liis gaar ah siiyo. Taasi waa dembi iyo isku-dir umadda ah.”

Mar wax laga waydiiyay go’aanka Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah eek u aaddan Liiska laga soo saaray Codbixiyayaasha oo Xukuumaddiisa iyo Xisbiga UDUB ee uu guddoomiyaha ka yahay ku gacan-saydheen, ayaa wuxuu dedafeeyay go’aankaas. “Horta, Deeq-bixiyayaashu Somaliland Dimuqraadiyadda umay samayn ee dadka reer Somaliland iyagaa samaystay Dimuqraadiyadda, Doorashooyin caadi ah oo bilaa dhibaato ahna waynu qabsanaynay. Deeq-bixiyayaashu hadday doonaan in Somaliland lagu dumiyo Diiwaangelin aan sax ahayn,, dawladdu ma aqbalayso, shacbigeedana ma khiyaamaynayso, go’aanka ay xaqa u leedahay ayay qaadanaysa, Deeq-bixiyayaashuna ma maamulaan Somaliland iyo Doorashadeeda, inay na caawiyaan bay ahayd, mucaawimo wax ka badan oo aanu ka aqbalaynaa ma jirto.” Ayuu yidhi M/weyne Rayaale.

Dhinaca kale, mar wax laga waydiiyay eedayn ay Mucaaradku u jeediyeen oo ah in uu hortaagan yahay Doorashada Madaxtooyada, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Macquul maaha, diiwaangelin aan xaq ahayn oo aan ku noq-noqod reebayn umaddani xaq kama dhigayso oo isku-dir iyo fidmo ayay abuuraysaa. Axsaabta Qarankana waxaan u sheegayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa u xil-saaran Doorashooyinka ee Interpeace uma xil-saarna.”
Xigasho: Somaliland.Org

No comments: