(Waridaad)- Maamulka shabakadda caalamiga ah ee Longlivesomaliland News Media ,waxay ku war gelinaynaa dhamaan asxaabta sharafta leh ee akhrisata shabakaddan iyo dha mmaan shacbiga Somalilandba,in aanu u magacawnay Weriye Mustafe Cabdikarim Cali (Mustafe Future) , inuu noqdo wakiilka cusub ee shabakadda u fadhiya magaal ada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Mustafe,waxa uu muddo dheer ku soo jiray ,kana hawl galay saxaafada Somaliland qaybaheeda kala duwan, waxaanu qayb laxaad leh ka soo qaatay, isku dubba rid ka,diyaarinta,xog baarista iyo isku soo habaynta wararka , oo uu shabakadda uga soo warami jiray magaalada Hargeysa.
Waxaan u rajaynaynaa in ilaahay Mustafe hawshaa loo xil saaray u fududeeyo, ka na midho dhaliyo.
Hambalyo Mustafe Cabdikariim Cali (Mustafe Future).
Maamulka Shabakadda
Longlivesomaliland News Media
No comments:
Post a Comment