Tuesday, August 11, 2009

War Deg Deg Ah: Golahii Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ugu codeeyay …

(Waridaad)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod u qaaday laba mooshin oo kala ahaa:


  • In go’aankii Kommishanka iyo madaxwaynuhu ku laa’leen in doorashada lagu galo bilaa diiwaangalin ahaa mid sharci daro ah.

  • In loo qabtay mudo 7 maalmood ah in Madaxweynaha iyo Koomishanku kaga noqdaan go'aankaa, hadii kale xilka laga xayuubinaayo 4ta komishanka iyo madaxweynaha.

Sida wararku sheegayaan baarlamaanka ayaa cod buuxa ku diiday go'aankii Kominshanka ee Diwaangelinta lagu tooray, waxaana u codeeyay 39 xildhibaan, 2 ayaa ka aamusay, gudoomiyahu ma codayn, waxaa fadhiyay golaha 42 xildhibaan.

Warbixin faahfaahsan oo la xidhiidha sida loo kala codeeyay iyo qaabka wax u dhaceen dib ayaanu idinku soo gudbin doonaa.

Xigasho: www.Somaliland.Org

No comments: