Monday, August 17, 2009

Riyaale oo ku baaqay Kulan Dhagareed uu la yeesho Gudoomiyayaasha KULMIYE iyo UCID

(Waridaad)-Daahir Riyaale oo ah Horjoogaha Kooxda Bilaa damiirka ah ee gacanta ku haya Maamulka Jamhuuriya Somaliland ayaa la sheegay inuu maanta ugu baaqay Kulan Dhagareed uu la yeesho Gudoomiyayaasha KULMIYE iyo UCID, Inkasta oo wararka qaar sheegayeen in xukuumada Itoobiya ka danbaysay Kulansiinta Dhinacyadan , Hadana waxaa la Filayaa inaan waxba ka soo bixi doonin aan ahayn inuu Dhego waraabe u laabo Madaxda mucaaradka.

Warsaxaaadeed uu ku saxeesan yahay Siciid cadaani oo Arintaas lagu faahfaahiyey ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ku marti qaaday in ay ka soo qayb galaan Madaxda labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe fadhi wada tashi ah oo ay isugu iman doonaan Maalinta Arbacada ee toddobadkan Qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynuhu, isaga oo ahmiyad gaar ah siinaya jiritaanka qaranimada Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada, waxa uu si xishmad iyo qadarin leh ugu marti-qaaday Labada Xisbi ee Mucaaridka Madaxdooda in ay isugu yimaadaan wada hadalo wada tashi ah oo lagu fallan qayn doono masiirka ummada reer Somaliland maalinta Arbacada ee toddobaadkan saacadu marka ay tahay 11:30 subaxnimo.”

No comments: